Su’aasha:

Asc walal waxan raba in la ii fasiro riyo aan arkay waxay tahay fasiirkeeda alle ayaa og hadan sheego waxan ku riyooday xaaskeyga wiil ii dhashay wiilkas aan magac u bixiyay ogow xaaska aan hadda qaba uur ayay ii leedahay waana 4 bilood waxana ku riyooday in uu wiil ii dhashay marka madama ay uur leedahay aaan ku riyooday wiilka ay dhashay muxuu yahay fasiirka wiilka ma bishaaro ama ?

Fasirka riyada dhalmada wiilka
Fasirka riyada dhalmada wiilka

Jawaabta:

Guud ahaan dhalmada waa wax wanaagsan marka lagu riyoodo, waxyaalo badan ayay noqonaysaa waxaa ka mid ah qofka inuu gaaro danta uu lahaa ama inuu helo waxa uu rabay guud ahaan waa bishaaro.

laakin maadaama xaaskaaga ay uur leedahay  waxaa dhici karto inay gabar dhasho waayo xaaladahan oo kale riyada waxaa laga yaabaa inay cagsi noqoto, way noqon kartaa inay dhasho wiil mararka qaar riyada sideeda ayay ku fasirantaa.

si kastaba riyadan waa bishaaro waa khayr weyn kuu soo socdo Ilaahay hakuu barakeeyo.

Riyada dhalmada cunug la dhalayo

In general, childbirth is a good thing when dreamed of, it can mean many things, including the person achieving their goals or getting what they wanted, it is generally good news.
But since your wife is pregnant, it is possible that she will give birth to a girl, in such cases the dream may be the opposite, it could mean that she will give birth to a boy, sometimes the dream is interpreted differently.
However, this dream is good news, great good is coming to you, may God bless you.

Leave a Reply