Fasirka maahmaahda garaadso inta aadan guursan

Fasirka maahmaahda garaadso inta aadan guursan

Su’aasha:

scw somaalida waxay ku maahmaahdaa garaadso inta aadan guursan waxan rabaa inaad ii sheegtaan waxa laga wado mahmaahdaas waxaa lagu dhaa ilmaha yar marka ay guursan rabaan siiba gabdhaha macnaha ma sax baa mise waa qalad fadlan isoo jawaba.

Fasirka maahmaahda garaadso inta aadan guursan
Fasirka maahmaahda garaadso inta aadan guursan

Jawaabta:

Mahaamaahda ah: ( garaadso inta aadan guursan ) waxaa laga wadaa caqli yeelo inta aadan guursanin, macnaha waa sax, maxaayeelay guurka cayaar ma aha waa mas’uuliyad, marka qofka cali ku filan aan lahayn gurigiisa ma ilaalsan karo.

Labada qof marka ay is guursadaan waxay yeelanayaan cadow ka socda labada dhinac xagga gabadha ama xagga wiilka ama deriska ama qaraabada kor, kuwaas oo adeegsanaya qaabab badan sidii ay u dumin lahaayeen gurigaas, mararka qaar hooyada ama walaalaha ama aabbaha ayaa soo faragaliya afaaraha guriga labada isqabta, marka qofka waxaa laga rabaa inuu lahaado caqli xeeldheer si uu isaga reebo daka asoon dhib weyn geysanin oon dad la dagaallin qaraabadana iska gooyinin, marka murtida ( garaadso inta aadan guursan ) waa murti qof kaste guurdoon ah anfacaysa.

Marka macnaha maahmaada waa sax waxaana laga wadaa mus’uuliyadda guurka inay caqli u baahan tahay. waxaa usoo dhow macne ahaan labo maahmaah carbeed oo oranaya:

 

(من لا يستطيع أن يكون أبا، لا يحق له أن يتزوج).

(qofkaan aabbe noqon karin xaq uma laha inuu guursado)

(قبل أن تبحث عن نصفك الآخر تأكد أن نصفك الأول مكتمل  و مستعد للنصف الثاني).

(intaadan raadinin nuskaaga kale (xaaska) iska hubi nuskaaga koowaad (adiga) inuu dhammaystiran yahay oo uu diyaar u yahay nuska labaad)

Fasirka maahmaada Aayad alif ka qaldantay

 

The principle: (Understand before you marry) it is wise before you marry, the meaning is correct, because marriage is not a sport it is a responsibility, when a person who does not have enough family cannot protect his home.

When two people get married, they have enemies on both sides towards the daughter or the son or the neighbor or the relatives above, who use many forms to destroy that house, sometimes the mother or brothers or father intervenes in the house of the two spouses, when the person is required to have an expert intelligence to exclude himself from the family without causing serious harm and not fighting with people and separating the relatives, When the decision (understand before you marry) it is a decision that benefits everyone who is married.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More