Fasiraada riyada bisadaha yaryar, waxaraha yaryar iyo naylaha yaryar

Su’aasha:

Asc,

Xalay ayaan waxaan ku riyooday, bisado yar yar oo dhalo ah, waxaro yar yar oo dhalo ah, iyo naylo yar yar oo dhalo ah, oo gurigayga jooga waliba qol qolalka guriga ka mid ah. Xaaskayga ayaa ku idhi roog qolka yaalay meesha ka qaad yey ku kaajine waxay tidhi iskadaa waxba ma yeelayaane dabadeed qolkii ayaanu u daynay. waliba waxay kala ahaayeen, laba bisadood, laba waxarood iyo laba naylood. dabadeed kolba mid ayaan daawada kol waxaraha, kolna naylaha kolna bisada.

Fasiraada riyada bisadaha yaryar, waxaraha yaryar iyo naylaha yaryar
Fasiraada riyada bisadaha yaryar, waxaraha yaryar iyo naylaha yaryar

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa barako iyo arsaaq badan iyo awlaad, waa riyo aad u fiican bishaaro ah, inshaa Allaah Alle khayr badan ayuu ku siinayaa iyo barako badan inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More