Site icon Daruur درور

Farta dhakhaatiirta ay daawada ku qoraan maxay isugu dardarsan tahay

Su’aasha:

Suaashaan waxa ay tahay waxaan fahmi waayey dhaqaatiirta marka ay quf daawo u qorayaan waxa ay isticmaalaan far u gooni ah oo isku dardarsan marka taasi mexey tahay.

Farta dhakhaatiirta ay daawada ku qoraan maxay isugu dardarsan tahay
Farta dhakhaatiirta ay daawada ku qoraan maxay isugu dardarsan tahay

Jawaabta:

Arrinta aad sheegtay oo ah khadka ay adeegsadaan dhakhaatiirta marka ay qof daawo u qorayaan waa arrin dunida oo dhan ka jirta, xataa heer waxay gaareen dad badan inay u dhintaan daawo far aan la fahmin lagu qoray, taas waxaa sabab u ah dhakhtarka oo dad badan saf ugu jira oo degdeg ku qoraya daawada.
Cilmbaaris la sameeyay waxaa la ogaaday sanad walba dad badan inay u dhintaan qaladka ka yimaada qoraalka dhakhaatiirta oo aan la fahmaynin
Dowladaha Yurub waxay bilaabeen warqad kumbuyuutar lagu qoray in lagu qoro daawada si aan loo qaldamin, xarfaha iyo nambarada iyo inta la qaadanayo ay u caddaadaan qofka daawada loo qorayo si farmashiitaha uusan u qaldamin markuu akhrinayo qoraalka.

Exit mobile version