Farmaajo iyo Xasan Sheekh maxay ku kala duwan yihiin

Marka laysu barbardhigo labadan qof waxaad ogaanaysaa waxyaalo badan inay ku kala duwan yihiin.

Farmaajo wuxuu mar walba sheegaa inaysan soomaali dowlad soo marin tii Siyaad Barre kaddib

Xasan Sheekh wuxuu aaminsan yahay inuu isaga soo celiyay dowladnimadii burburtay sanadka 1991.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh maxay ku kala duwan yihiin
Farmaajo iyo Xasan Sheekh maxay ku kala duwan yihiin

Farmaajo marka uu qabtay xukunka aad buu usoo kordhay qaraxa ka dhacaya dalka siiba magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh markuu ahaa madaxweyne qaraxa aad buu u yaraa, marka loo eego xilliga Farmaajo.

Farmaajo safarkiisa aad buu u badan yahay  marka loo eego Xasan Sheekh.

Marka dhab loo hadlo qof kasta waa in la sheegaa waxa uu yahay.

Xasan Sheekh wuxuu qabtay waxyaalo badan, dad badan ayaa maanta waxay ku tilmaamaan inuu ahaa qof aan wadani ahayn, ma aha qofka kasoo horjeeta Farmaajo siyaasaddiisa inuu yahay qof aan wadani ahayn.

sheekada ma aha Hawiye iyo Daarood, waxaa laysu barbardhigayaa labo qof soomaaliyeed ah oo dalka madax ka noqday, marka aad ka eegto dhinaca amaanka ayaad garan kartaa qofka fiican oo la dhihi karo dalka ayuu si fiican u maamulayay.

waxaa la rabaa in dhinac walbo laga eego, tusaale ahaan Farmaajo wuxuu ku dhaleeceyn jiray Xasan Sheekh inuu yahay qof safar badan , marka la doortayna isagaa ka badiyay safarka.

sidoo kale xiritaanka waddooyinka Muqdisho ayuu ku haystay, marka uu madax noqdayna wuxuu ka badiyay xiritaanka dowladdii ka horreysay.

Qore: Abdirahman Xasan Geeddi

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More