Fahad Yaasiin iyo Farmaajo iyo Qadar sirta sedexgeesoodka

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo iyo Qadar sirta sedexgeesoodka

Marka dhabta la taabto dadka soomaaliyeed waa dad la hagayo oo la haysto, wadanka waxaa laga maamulaa dibadda gaalo iyo carab iyo afrikaan ayaa iska haysta, dadka siyaasiyiin isku sheegaya waa sida lo’ dibiyo badan ay fuulayaan mid cadaan baa iska haysta midna carab midna afrikaan.

Fahad Yaasiin
Fahad Yaasiin

Marka aan ka hadalno kuwa carabta ay haystaan waxaa ka mid ah ninka la yiraahdo Fahad Yaasiin oo ahaa wariye ka shaqeeya kanaalka Aljazeera oo ay iska leedahay dowladda Qadar, Fahad wuxuu ka mid yahay gacmaha Qadar ee ay ku hagayso Soomaali waxaan shaki ka taagnayn inuu yahay jaajuus loo keenay dalka inuu u shaqeeyo dadka soo dirsaday.
Farmaajo oo u yimid soomaali inuu fuliyo ajindo qarsoon oo aysan fahmaynin dad badan oo afka ku haya qarannimada beenta ah, waxay ka dhigeen qaranka inuu yahay Farmaajo, qofkii farmaajo ka horyimaado waa qof qarandumis ah.

Markaad eegto dadka farmaajo difaacaya waa dad daarood ah laakin dhar qaran gashan ama dad maskada laga xaday oo beenta qaranka lagu akhriyay waxay isugu jiraan hawiye iyo raxaweyn iyo jareer iyo dadka kale.

Marka dalka waxaa ka jira qabyaalad mirirtay oo qof walba qarsanayo sida tiibishada oo kale, been yaan laysku sheegin, waxaa daliil u ah 2021 iyadoo la marayo ayaa talada qabiil lagu qaybsaayaa taas ayaaba ceeb ku filan dadka soomaalida, meeshii la rabay aqoon iyo karti in lagu gaaro talada dalka.

Markii Maxamed Siyaad la riday Hawiye sheekada wuxuu u baddalay dagaal qabiil oo ka dhexeeya Daarood iyo Hawiye inkastoo Siyaad barre uu dalka dhulka galiyay laakin ma ahayn in sheekada qabylaad ay noqoto, Farmaajo markuu soo laabtay isagana wuxuu ku socdaa isla waddadii Siyaad Barre iyo  Hawiye ay mareen marka waxaa dhab ah dadka soomaaliyeed haddii ay sii hayaan waddadan inay tirtirmi doonaan, magaca soomaali inuusan jiri doonin.

Soomaalida sidey qabyaaladda u aaminsan yihiin hadday diinta islaamka u aaminsanaan lahaayeen meel weyn ayay joogi lahaayeen maanta, sidoo kale hadday shaqada ugu dambayn lahaayeen siday shaxaadka ugu dambeeyaan dalka sidan ma ahaan lahayn.

Runta waa khaaraar, beentana waa laysku maaweeliyaa ee hurdada halaga kaco.

 

Farmaajo doorashada 2022 muxuu ugu guulaysan waayay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More