Fadliga barashada Afka carabiga xaga diinta islaamka
Guud ahaan barashada afafka waa wax aad u fiican, maxaayeelay qofka yaqaana afaf badan wax badan ayuu ogaan karaa, dhaqamo badanna wuu arki karaa.
Afka carabiga wuxuu leeyahay arrin u gaar ah oo xeeldheer, waa luqadda Quraanka kariimka iyo sunnada nabawiga sharafta badan, wuxuuna ahaa quraanka kariimka mucjisada ugu weyn u sugnaatay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), nusuus badan ayaa kusoo aroortay qiimaha uu leeyahay afka carabiga, wuxuu leeyahay Alle (SW):
{إنَّا أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ}
(Annagaana soo dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan)
Wuxuu leeyahay (SW):
{وَكَذَلِكَ أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا}
(saasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah)
Wuxuu leeyahay (caza wa jalla):
{قُرْآنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ}
(Waana Quraan carabi ku (qoran) oon qalloclahayn may dhawrsadaan)
Wuxuu leeyahay Alle:
{وَكَذَلِكَ أَوْحَيْنَا إلَيْكَ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لِتُنْذِرَ أُمَّ القُرَى وَمَنْ حَوْلَهَا وَتُنْذِرَ يَوْمَ الجَمْعِ لا رَيْبَ فِيهِ}
((Sidaan ugu waxyoonay Nabiyadii hore) yaan adigana Nabiyow kuugu waxyoonay Quraan Carabi ah saad ugu digtid Reer Maka iyo wax ku hareera (dadka kale) ugana digtid maalinta kulanka (Qiyaamada) shaki male Maalintaas)
Wuxuu leeyahay (SW):
{ بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُبِينٍ}
(Af Carabi ahoo Cad)
Wuxuu leeyahay (SW):
{لَقَدْ أَنْزَلْنَا إِلَيْكُمْ كِتَابًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ أَفَلا تَعْقِلُونَ}
(Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugan tahayee Miyeydaan Kasayn)
Quraanka kariimka wuxuu isku xiray afka carabiga iyo shaqaysiinta caqliga, wuxuu yiri Alle:
{إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ}
(Annagaana soo dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan)
wuxuu yiri Alle:
{كِتَابٌ فُصِّلَتْ آيَاتُهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ}،
(Waana Kitaab loo caddeeyay aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii wax garan)
Asooo ku boorrinaya raadinta aqoonta uguna yeeraya in la taxqiijiyo taqwada, wuxuu leeyahay Alle (SW):
{وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِي هَذَا القُرْآنِ مِنْ كُلِّ مَثَلٍ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ * قُرْآنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ}.
(Dhab baan ugu caddaynay dadka Quraanka tusaale kasta inay waantoobaan * Waana Quraan carabi ku (qoran) oon qalloclahayn may dhawrsadaan).
wuxuu leeyahay siyidkeena Cabdullaahi bin Cabbaas (Alle raalli haka noqdee):
(كنت لا أدري ما معنى {فَاطِرُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ} حتى أتاني أعرابيان يختصمان في بِئْرٍ، فقال أحدهما: أنا فطرتُها، أَيْ: أنا ابتدَأتُها)
(ma ogeyn macnaha (faadirka samadaha iyo dhulka) ilaa ay iiga imaadaan labo reer baadiye ah oo ku doodaya ceel midkooda wuxuu yiri: anaa abuuray: oo laga wado anaa bilaabay)
maxaa ka fiican markuu Xaafid Ibraahiim ka sheekaynayay afka carabiga:
وَسِـعــتُ كِتــابَ اللَهِ لَفـظًا وَغـايَـةً * وَما ضِقــتُ عَـن آيٍ بِـهِ وَعِظـــاتِ
فَكَيـفَ أَضيـقُ اليَومَ عَن وَصـفِ آلَةٍ* وَتَنســيــقِ أَسـمــاءٍ لِمُـخـتَــرَعــاتِ
أَنا البَحـرُ فـي أَحشائِهِ الدُرُّ كامِنٌ * فَهَل سَأَلوا الغَوّاصَ عَن صَدَفاتي
Waan deeqay kitaabka Alle lafdi iyo macnaba*
Kama caajisin aayado ku sugan iyo wacdiba
Sideen maanta uga caajisaa tilmaan qalab*
Iyo inaan u habeeyo magacyo aalado cusub
Bad Ayaan ahay oo gudaheeda luul ku jiro*
Miyay weyddiiyeen quuseyaasha aleeladeyda
wuxuu dhihi jiray saydkeena Cumar bin Alkhadaab (Alle raalli haka noqdee):
(تعلموا العربية فإنها من دينكم)
(barta carabiga diintiina ayuu ka mid yahay),
wuxuu soo maray (Alle raalli haka noqdee) dad baranaya tuurid way gafeen markaas ayuu ku qabsaday waxay dhaheen: “إنا قوم متعلمين” “annaga dad wax barta Ayaan nahay” waxay nasbiyeen wax in la rafciyo ay tahay.