Fadliga akhriska Quraanka kariimka laga helo adduun iyo aakhiro

Fadliga akhriska Quraanka kariimka laga helo adduun iyo aakhiro

Su’aasha:

Wll fadliga akhriska qur’aaanka kariimka ah kolay lamasoo wada koobi karee wax iiga tilmaama aduun iyo aaakhiraba waxa laga helayo

Fadliga akhriska Quraanka kariimka laga helo adduun iyo aakhiro
Fadliga akhriska Quraanka kariimka laga helo adduun iyo aakhiro

Jawaabta:

Waa sidaad sheegtay lama soo koobi karo fadliga uu leeyahay akhriska quraanka kariimka, culimada muslimiinta kitaabo badan ayay ka qoreen iyagoo kusoo aroorinaya aayadaha tilmaamaya qiimaha uu leeyahay quraanka kariimka sidoo kale axaadiista ka hadlayso arrintaas, Alle (SW) wuxuu yiri:

(إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا)

(Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn). 

Wuxuu yiri Alle:

(وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا)

(Waxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn).

(إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ  *  لِيُوَفِّيَهُمْ أُجُورَهُمْ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضْلِهِ ۚ إِنَّهُ غَفُورٌ شَكُورٌ) ‎

(Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. * Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane).

Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yiri:

(منْ قرأَ حرفًا من كتابِ اللهِ فله به حسنةٌ ، والحسنةُ بعشرِ أمثالِها لا أقولُ آلم حرفٌ ، ولَكِن ألِفٌ حرفٌ، ولامٌ حرفٌ، وميمٌ حرفٌ)

(Qofkii xaraf ka akhriyo kitaabkii Ilaahay waxaa ugu sugnaatay xasano, xasanadana toban la mid ah ayay u dhigantaa, ma oranayo Alif laam miim waa xaraf , laakinse alifka waa xaraf laamkana waa xaraf miimkana waa xaraf)  xadiiska Tirmithi ayaa wariyay.

Wuxuu kaloo yiri (SCW):

(اقْرَؤُوا القُرْآنَ فإنَّه يَأْتي يَومَ القِيامَةِ شَفِيعًا لأَصْحابِهِ)

(Akhriya Quraanka wuxuu imaanaya maalinta qiyaamaha asoo u shafeecaya dadkiisa) xadiiska Muslin ayaa wariyay

Wuxuu kaloo yiri (SCW):

(يقالُ لصاحِبِ القرآنِ اقرَأ وارقَ ورتِّل كما كُنتَ ترتِّلُ في الدُّنيا فإنَّ منزلتَكَ عندَ آخرِ آيةٍ تقرؤُها)

(Qofka Quraanka yaqaana waxaa lagu dhahaa akhri oo fuul oo tartiil ku akhri sidaad adduunka tartiil ugu akhrin jirtay darajadaada waxay gaaraysaa darajada aayadda ugu dambeyso aad akhrinayso) xadiiska imaam Axmed iyo qaar ka mid sunanka ayaa soo saaray.

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

(الماهِرُ بالقرآنِ مع السفرَةِ الكرامِ البرَرَةِ ، والذي يقرؤُهُ ويتَعْتَعُ فيهِ وهو عليه شاقٌّ لَهُ أجرانِ)

(Qofka taf ku ah quraanka wuxuu la jirayaa malaa’igta sharafta badan, qofka akhrinaya asoo gagafaya oo dhib kala kulmaya labo ajir ayuu leeyahay).

Fadliga akhriska Quraanka kariimka
Fadliga akhriska Quraanka kariimka

Marka quraanka kariimka waa nuurka Alle uu koonka u keenay waa in la bartaa akhriskiisa iyo fasirkiisa khayr oo dhan ayaa ku sugan Adduun iyo Aakhiraba.

 

 

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More