Site icon Daruur درور

Ereyo qurxoon raaxada lamaanaha ma siyaadiyaan

Su’aasha:

Bahda daruur wan idin slay wadna ku mahadsan tihin adega weyn ad ino haysan waxan qaba su’aal, mark kaste waxaa la dhahaa dumarka hadal macaan oo urxoon ayay u baahan yihiin xiliga raxada sariirta, waana wax jiro taas laakin ragana sdaas miyaa hadalo macaan miyay iyagana u bahan yihiin sida dumarka amise raga waa ka marmaan hadalka ee waxay ka helan action jawaab faahfaahsan iso siiya.

Ereyo qurxoon raaxada lamaanaha ma siyaadiyaan
Ereyo qurxoon raaxada lamaanaha ma siyaadiyaan

Jawaabta:

Hadalka macaan dumarka kaliya ma jecla ee raguna way jecel yihiin isla dareenka ay naagta ka hesho ninkana wuu ka helaa hadalka qurxoon amaanta ah, ereyo macaan markuu ninka xaaskiisa ka maqlo kalsooni ayuu ka qaadaa, waxaa cagsi ku ah marka naagta ay ninka liiddo oo ay durto raganimadiisa waxaa laga yaabaa niyadjab inuu ka qaado.

Hadalka macaan waa dhiirragalin qofka xataa marka uu tartan ku jiro hadduu helo hadal fiican horay ayuu usii soconayaa, laakin haddii caay iyo liidid laga horgeeyo lagama yaabo inuu dhaqaaqo.

Marka ninkaaga haddaad rabto inuu waligii kugu tacaluqo haka bakhaylin amaanta iyo hadalka qurxoon, taas wuxuu ka helaa awood xataa xagga raaxada galmada, iska ilaali inaad niyadda ka dihso.

Hadalka xun markuu kaa maqlo siiba hadalka dhaawacaya raganimadiisa waxaa laga yaabaa inuu niyadjab ka qaado raaxada uu kula samaynayo.

Exit mobile version