Ereyo qurxoon raaxada lamaanaha ma siyaadiyaan
Su’aasha:
Bahda daruur wan idin slay wadna ku mahadsan tihin adega weyn ad ino haysan waxan qaba su’aal, mark kaste waxaa la dhahaa dumarka hadal macaan oo urxoon ayay u baahan yihiin xiliga raxada sariirta, waana wax jiro taas laakin ragana sdaas miyaa hadalo macaan miyay iyagana u bahan yihiin sida dumarka amise raga waa ka marmaan hadalka ee waxay ka helan action jawaab faahfaahsan iso siiya.

Jawaabta:
Hadalka macaan dumarka kaliya ma jecla ee raguna way jecel yihiin isla dareenka ay naagta ka hesho ninkana wuu ka helaa hadalka qurxoon amaanta ah,
ereyo macaan markuu ninka xaaskiisa ka maqlo kalsooni ayuu ka qaadaa, waxaa cagsi ku ah marka naagta ay ninka liiddo oo ay durto raganimadiisa waxaa laga yaabaa niyadjab inuu ka qaado.
Hadalka macaan waa dhiirragalin qofka xataa marka uu tartan ku jiro hadduu helo hadal fiican horay ayuu usii soconayaa, laakin haddii caay iyo liidid laga horgeeyo lagama yaabo inuu dhaqaaqo.
Marka ninkaaga haddaad rabto inuu waligii kugu tacaluqo haka bakhaylin amaanta iyo hadalka qurxoon, taas wuxuu ka helaa awood xataa xagga raaxada galmada, iska ilaali inaad niyadda ka dihso.
Hadalka xun markuu kaa maqlo siiba hadalka dhaawacaya raganimadiisa waxaa laga yaabaa inuu niyadjab ka qaado raaxada uu kula samaynayo.
Sweet words are not only loved by women, but men also love the same feeling that a woman gets from a man, and a man gets from beautiful words of praise.
When a man hears sweet words from his wife, he gains confidence. On the contrary, when a woman belittles a man and undermines his masculinity, he may become discouraged.
Sweet words are an encouragement to a person, even when he is in a competition, if he gets a good word, he will continue to move forward, but if he is confronted with insults and insults, he may not move.
So if you want your man to always be interested in you, do not be stingy with praise and beautiful words, he gets strength from that even in terms of sexual pleasure, avoid making him feel bad.
When he hears bad words from you, especially words that hurt his masculinity, he may become discouraged from the pleasure he is having with you.
