Site icon Daruur درور

Dumarka shaarbaha iyo timaha jirka maxaa u keeno

Su’aasha:

Waxan qabaa suaal o ah gabadha shaarbaha usoo baxayo ma xiriiri kartaa wax dhib ma ledahay tinta sharbaha jiro maa la dhihi karaa maxaa u keeno gabadha timaha jirkeda inay soo bataan dhabarka iyo cajiraha caloosha si xoog leh bay timaha uga soo baxaan xaad ma aha waa timo madow ah fadlan maxaa keno mala daaweyn karaa.

Dumarka shaarbaha iyo timaha jirka maxaa u keeno
Dumarka shaarbaha iyo timaha jirka maxaa u keeno

Jawaabta:

Timaha dumarka caadi ahaan kuma laha meelo ka mid ah jirka sida garka iyo shaarbaha iyo xabadka iyo dhabarka, haddii gabadha timo ay uga soo baxaan meelahaas waxaa jirkeeda ku badan hormoonka  Testosterone loo yaqaano, waa hormoon ragga iyo dumarka ku jiro, laakin waa hormoon rageed marka hormoonkaas wuxuu kordhiyaa timaha jirka sidoo kale codka ayuu weyn ka dhigayaa, wiilasha marka ay qaangaaraan asaa jirkooda soo galo isbaddalada qaangaarka ayuu saameeyaa.

Marka timaha shaarbaha iyo meelaha kale waad iska suulin kartaa qaabab badan ayaa timaha loo tirtiri karaa, haddii aad u baahan tahay daawo gudaha ah hormoonka Testosterone iska baar intuu la eg yahay ogow markaas daawooyin ayaa lagaa caawin karaa oo timaha joojinaya.

Diinta way u oggoshahay gabadha inay iska xiirto timaha garka ama shaarbaha saas ayaana u fiican si aysan raga ugu ekaanin.

Sidoo kale waxaa laga rabaa timaha shuunka iyo tinta kilkisha inay iska nadiifiso.

Dumarka hormoonka badan ayay ku badan yihiin timaha jirka.

Exit mobile version