Site icon Daruur درور

Dumarka biyaha iska keena dhibka iyo raaxada

Dumarka biyaha iska keena dhibka iyo raaxada

Su’aasha:

Waxan ogahay seegada inay raga dhib u keento dhibkas oo la sheegay inuu gedka ka jilcayo ama biyabaxa degdeg ah iyo tabardaro lakin waxan rabaa inan ogaado haweenka dhibka ay u geysato sigada wayo ninka iyo naagta way ku kala duwan yihiin raaxada galmada iyo shaqada galmada ninka wuxuu u baahan yahay xubin taagan hadaysan tagmin xubintisa naag wax kama qaadi karo laakin gabdhaha sidaas ma aha naagta si kaste waa weel wax la galinayo marka waxan rabaa inaan ogaado haweenka biyaha shahwada iska keeno inay la kulmayan dhibaaatada raga oo kale ama inay ka duwan yihin.

Dumarka biyaha iska keena dhibka iyo raaxada
Dumarka biyaha iska keena dhibka iyo raaxada

Jawaabta:

Saad moodday ma aha arrinka adiga waxaan kusoo koobtay dhibka ay leedahay siigada xubnaha taran kaliya, waxaa jira dhibaatooyin kale ay keeni karto siigada oo aan ahayn dhibaato la xiriirta xubnaha taranka.

Marka hore waxaan ka hadlaynaa siigada dhibka ay u keento dumarka dhinaca xubnaha taranka, runtii naagta siigaysata hadday gabar bigro tahay waxay dhaawac u geeysan kartaa bikaaradeeda, siiba marka ay wax isgaliso sida qalin ama geed ama wax kale caag ah iwm.

Taas waxay si toos ah waxyeelo ugu geysanaysaa xuubka bikaarada, gabadha ha haato fircooni ama sunii ama gabar aan la gudin, si kaste ay ahaato xubinteeda dhib ayay u geysanaysaa.

Teeda kale gabdhaha ku siigeysta daliiga faruuraha siilka iyaga dhib ayay kala kulmaan gacanta ayay u baranaysaa marka la guursado raaxo kama helayso galmada dabiiciga ah, illeen waxay u baratay gacanta inay ku sameyso raaxada kacasiga ay ka hesho gabadha sidaas iskaga keenta biyaha shahwada gacanta uun kaliya ayay ku raaxaysanaysaa.

Dumarka qaar oo soo bartay is fareynta xubinta ninka kama helaan raaxo illeen farta iyo geedka ninka way kala duwan yihiin.

Waxaa kaloo jira dhinaca nafsiga, dumarka siigada bartay sida raga oo kale waxay dareemaan dambi iyo murug, saameyska maskaxda hablaha iyo raga way ka siman yihiin, ninka biyaha gacanta isaga keena dhibka iyo fikirka xun uu kala kulmo wuxuu la mid yahay midka ay haweeneydu kala kulnato marka ay ku dhaqaaqdo falka siigada.

Marka siigada rag iyo dumarka uma fiicna dhibka ay u keento farqi weyn uma dhexeeyo, raaxada laga helo siigada la mid ma aha midda laga helo galmada xalaasha ah, taas waso sheegnay in badan su’aalo badan ayaa lana soo weyddiiyay oo la xiriira dhibka ay leedahay siigada oo nafsiga iyo jirkaba.

Qofka seegada u bartay waxaa laga rabaa inuu joojiyo si uu noloshiisa u ilaaliyo xaaskiisana u qanciyo sidoo kale dumarka bartay siigada iyaga waxaa laga raabaa inay ka dheeraadaan.

Qaababka loo joojin karo webkan ayaad ka akhrisan kartaa haddii aad ka dhex raadiso.

Qofka muslinka waxaa la faray inuu ilaaliyo xubinta taran quraanka ayaana lagu sheegay arrintaas Alle wuxuu yiri:

(وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ ‎﴿٥﴾‏ إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ‎﴿٦﴾‏ فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ)

(Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya * Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas * Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal)

 

(ممارسة البنات للعادة فيها ضرر نفسي وجسدي، وربما يستمر هذا الضرر إلى ما بعد الزواج،  ويكون تأثيره في العلاقة بين الزوجين سلبيا)

(Seegada ay gabdhaha sameeyaan waxaa ku sugan dhibaato nafsi iyo dhinaca jirkaba, waxaaba laga yaabaa inuu sii socdo dhibkaas guurka kaddib, oona uu noqdo mid dhib u keenaya xiriirka ka dhexeeya lamaanaha)

 

Siigada Dumarka Laga Maqan Yahay Dhib Ma U Keentaa

Cudurrada Siigada Dumarka Ay Leedahay

Exit mobile version