Site icon Daruur درور

Diracley ayaan is guursan rabnaa ila taliya

Diracley ayaan is guursan rabnaa ila taliya

Su’aasha:

Gabar ayaan doonan rabaa laakin waa gabar labiska diraca banaanka ku qaadato waxaan rabaa inay is xijaabto iyaduna ma fulinin waxa aan rabo mar kaste waxay igu tiraahdaa xijaab waxaan qaadanaa marka aan is guursano waxa aan samaynayo ma garanayo.

Diracley ayaan is guursan rabnaa ila taliya
Diracley ayaan is guursan rabnaa ila taliya

Jawaabta:

Sida aad og tahay xijaabka waa waajib Ilaahay saaray dumarka marka waxaa lagaa rabaa xaaskaaga inay asturnaato marka waxaa kugu haboon in aad ku dadaasho si aad ugu qancin lahayd inay is xijaabto haddii ay dhab ka tahay guurkaaga warkaaga way qaadanysaa haddii ay tahay gabar maskax adag waxaa kaaga fiican inaad ka dheeraato waayo waxaa laga yaabaa marka aad is guursataan inay diraca sii wadato marka adigana aad rabto xijaabka marka meesha inuu khilaaf ka yimaado markaas furiin inuu dhaco, biyo itaysan kusoo gaarin ayaa layska moosaa bay soomaalidu ku maahmaahdaa marka intaadan guursanin ka dhaadhici inay diraca banaanka ku qaadanin. waligaaga aayaddan hortaada keenso:

(يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَابِيبِهِنَّ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا) ﴿الأحزاب: ٥٩﴾

Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu’miniinta isku dada Shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista ah.

 

Sharxidda aayadda xijaabka ee Suuratu annuur

Exit mobile version