Yaa ka dambeeyay dilka Ing Yariisow?

Who was assassinated mayor of Mogadishu ?

Yaa ka dambeeyay dilka Ing Yariisow?

Soomaali loollan adag ayaa ka jira, waxaa jirta qabyaalad aad u qurmuun, wax kastoo la fuliyo shabaab ayaa korka laga saaraa.

Yaa ka dambeeyay dilka Ing Yariisow?
Yaa ka dambeeyay dilka Ing Yariisow?

waxaa isweyddiin mudan ma dhici kartaa in Ing Yariisow dilkiisa dad dowladda ka mid ah ay ka dambeeyaan?.

Waxaa yaab badan Muqdisho dowladda oo leh anaa haysto haddana alshabaab awoodda ay ku leeyihiin, marka waxaa surtagal ah dad dowladda ka tirsan inay gacansaar la leeyihiin kooxda alshabaab, wixii la rabo in laga takhaluso iyagaa loo adeegsadaa.

marka soomaalida dowladda matalaya dhamaan waxaa ka dhexeeya cadaawad qabyaalad ku salaysan mana laga yaabo inay ka tagaan, waayo haddii ay daacad isu noqon lahaayeen way ka adkaan lahaayeen cadowgooda siiba kan dibadda oo ka talinaya burburka dalka.

dilalka qorshaysan ka jira soomaali iyo qaraxyada ma yara waxay lug ku leeyihiin meelo fogfog.

teeda kale waxaaba jirto arrin kale oo yaab badan, qofka waxaaba laga dishaa jagada uu hayo magaalada Muqdisho, si qofka sugaya uu dhaqsi u qabto.

qaraxa lagu dilay Ing Yariisow waxaa lala yaaban yahay qaabka loo fuliyay meesha iyadoo amaankeeda la sheegay inuu aad u sugan yahay.

qaraxaas oo kale ma fulin karo qof aanxiriir la lahayn sirdoonka dowladda soomaaliyeed.

haddii ay tahay kooxda alashabaab kuwa ku nool miyiga iyo duurka sidey ku fulin karaan qarax noocan oo kale ah.

marka soomaali wax yar kama socdo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More