Dildilaaca ibta naaska sababaha keena iyo daawada

Dildilaaca ibta naaska sababaha keena iyo daawada

Su’aasha:

Waxaan raba in aan ogaado waxa keena dildilaca ibta iyo qolfaha kasoo fuqa anigo wax uur ah an laheyn
Thank u♥️

Dildilaaca ibta naaska sababaha keena iyo daawada
Dildilaaca ibta naaska sababaha keena iyo daawada

Jawaabta:

Dildilaaca ibta naasaha siiba midka xanuunka wata sababo badan ayaa keena waxaa ugu muhimsan sababahan soo socda:
1- qaabka uu cunugga u nuugayo oo aan ahayn si habboon xoog iyo jiiditaan.
2- saabuunta haddaan si fiican looga nadiifin.
3- cudurka loo yaqaano candidiasis oo ah cudur nabro iyo dildilaac jirka u keena oo ka dhasha bakteeriyada iyo jeermiska.

Sida laysaga ilaaliyo

Marka hore haddii aad tahay hooyo naas nuujinaysa ilmo yar ku dadaal cunugga naaska si toosan inuu u nuugo qaabka uu u fadhiyo iyo qaabka uu afka u gashanayo ka ilaali si xoog inuu u nuugo, caruurta qaar way jiidaan naaska xoog ayay adeegsadaan, sidoo kale marka aad iska nadiifinayso naasaha ku nadiifi biyo qandac ah.

Saabuunta inaad ka dheeraato ayaa fiican oo naasaha aadan ku dhaqin, haddaad ku dhaqayso inaad si fiican uga mayrato sidoo kale biyo badan cab mar kaste ku dhaq biyo qandac ah.

Sidoo kale naasaha hawo ha qaataan oo ka ilaali inaad ku celiso mar kaste rajastiino siiba marka aad gurigaaga joogto, ilmaha hal naas kaliya haka nuujinin kala badbadal si midba midka kale uu uga yaraado cadaadiska.
Inshaa Allaah wax yar kaddib waad ka bogsanaysaa.

Doowiin loo adeegsan karo

Waxaa jira bomaatooyin la marin karo marka ay dildilaac bilaabaan waxaa ka mid ah:
Mebo

Daktarin Gel
ORIENT-N
Purelan

Bomaatooyinka dildilaaca naaska
Bomaatooyinka dildilaaca naaska

Daawooyin dabiici ah:

Waxaa kaloo jira daawooyin dabiici ah oo naasaha dildilaacooda lagu daaweyn karo waxaa ka mid ah, saliid seytuun ama  khalka tufaaxa ama baraf,  ama dacarta loo yaqaanointa  Aloe vera.

Daawooyinka dildilaaca ibta dabiiciga
Daawooyinka dildilaaca ibta dabiiciga

alaabtan midka kuu fududaado ayaad keenaysaa waxaad ku daliigaysaa naaska ibtiisa markaad ku nadiifiso kaddib biyo faldiir ah.

 

17 jir ayan ahay ibta naaska ayaa i dildilaacday talo isiya

Naasaha dhacay sababta keento iyo xalka iyo daawada

Dildilaaca ibta naasaha daawada u roon
Dildilaaca ibta naasaha daawada u roon

Painful cracked nipples can be caused by many reasons, the most important of which are the following:
1- the way the child sucks and not properly by force and pulling.
2- Soap if not cleaned well.
3- The disease known as candidiasis is a disease that causes wounds and cracks in the body and is caused by bacteria and germs.
How to protect it First of all, if you are a mother who is breastfeeding a small baby, try to make the baby suck the breast straight in the way he is sitting and the way he puts it in his mouth.
Clean your breasts with warm water. Longer soap is better and you don’t wash your breasts. Also, let the breasts breathe and avoid repeating every time you breastfeed when you are at home.
God willing, you will recover soon.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More