Site icon Daruur درور

Diifka cagaaran oo sanka ku dhegaya waxa daawo u ah

Su’aasha:

Asc wll Su,aasheydu way gaaban tahay. Sankeyga waxa ku dhega duufka had iyo jeerna waa uu cabursan yahay, sidoo kale duufka kasoo baxayo waa mid adag oo cagaar ah misana aad u uraya. Hadaba wll maxaa xal u ah cudurkaan?

Diifka cagaaran oo sanka ku dhegaya waxa daawo u ah
Diifka cagaaran oo sanka ku dhegaya waxa daawo u ah

Jawaabta:

Waxaa laga yaabaa sanqada in caabuq kaa  hayo ama xasaasiyad oo dhalisa duuf adag.

Waxaad ku dadaashaa inaad badsato sanjabiisha, shaah ahaan u cab sidoo kale cuntadaada waxaad ku cuntaa toonta ceerinka ah, sidoo kale mararka qaar bukhaarka biyaha kulul sanka ku aaddi wuxuu furaa sanka xiran, qoraalladan hoos ku qoran xiriir ayay la leeyihiin su’aashaada ee akhriso waxaad ka helaysaa faahfaahin dheeraad ah.

  1. Xaakada Badan Oo Cagaaran Sida Dabiiciga Loo Daaweeyo
  2. Cudurka Sinusitis Ama San Balbalka Waxa Keeno Iyo Daawada
  3. Sababaha Keena Dhiigga Sanka Ka Yimaada
  4. Dhagaha Iyo Dhanxaniga Oo I Cuncuna
Exit mobile version