Walalo sual waxaad iga caawisaa Waxaa iga yimaada dhiig ama dhacaan afka markaan seexdo marwalbo.
Jawaabta:
Marka hore waa inaan ogaanaa sababka keena dhacaanka ama dhareerka afka kasoo daato marka qofka uu hurdo ku jiro.
Qofka marka uu hurdo galo siiba hurdada culus xubnaha wejiga ayaa dabco, shaqada laqidda ayaa adkaanayso marka candhuufta afka ayay ka buuxsamaysaa, afka marka uu furmo way soo daadataa, waxaa laga yaabaa dhareerka badan inuu astaan u yahay cudur neerfaha la xiriira ama sanka inuu qabow la xiran yahay.
Dadka qaarkooda dhareerkooda dhiig ayaa soo raaca oo isagana afka kasoo daata, dhiiga wuxuu ka yimaadaa ciridka bukan siiba dadka cudurka yiridka qabo ayaa dhiig kasoo daata marka ay hurdayaan.
Haddaba sidee loo daaweeyaa?
Qofka marka uu seexanayo waa inuu ku nadiifiyaa sankiisa biyo qandac ah ama inuu ku qabaysto biyo kulul, sidoo kale marka uu hurdayo inuusan isku duubin busto (kubeerto) ama maro culus oo ka xiraysa neefsashada saxda ah, mar kaste waa inuu is gedgediyo ma aha inuu hal qaab u jiifo habeenka oo dhan, waliba inuu isku dayo inuu ku seexdo dhabarka, intaas ayaa ugu muhimsan qaabka jiifka.
haddii uu dhiiga la socodo waxaa la rabaa inuu yiridka iska daaweeyo.