Dhaqanka Islaamka oo kooban
5 years ago
Islaamka waa diin xaq ah waa diinta anbiyada Alle soo diray oo dhan laguna khatimay nabi Muxamed SCW .
Dhaqanka Islaamka oo kooban
Islaamka qiimaha uu leeyahay lama soo koobi karo nusuus badan ayaa kusoo aroortay waxaa ka mid ah:
Alle wuxuu yiri:
( وَمَنْ أَحْسَنُ دِينًا مِمَّنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ وَاتَّبَعَ مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا وَاتَّخَذَ اللَّهُ إِبْرَاهِيمَ خَلِيلًا )
(Yaa ka diin fiican ruux u jeediyay wajigiisa Alle isagoo samafali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Alle Ibraahiim khaliil ).
wuxuu leeyahay Alle:
{اتْلُ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِنَ الْكِتَابِ وَأَقِمِ الصَّلَاةَ إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَلَذِكْرُ اللَّهِ أَكْبَرُ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَصْنَعُونَ}
(Akhri waxa luguu waxyoon oo kitaabka ah oog salaaddana maxaayeelay salaaddu waxay reebta xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Allaana weyn, Allana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan ).
wuxuu leeyahay nabigeena:
(… وَالصِّيَامُ جُنَّةٌ ، وَإِذَا كَانَ يَوْمُ صَوْمِ أَحَدِكُمْ ، فَلاَ يَرْفُثْ ، وَلاَ يَصْخَبْ ، فَإِنْ سَابَّهُ أَحَدٌ ، أَوْ قَاتَلَهُ ، فَلْيَقُلْ إِنِّي امْرُؤٌ صَائِمٌ)
(…soonka waa gaashaan, haddii midkiina uu sooman yahay yuuna afxumo ku dhaqaaqin yuuna qaylinin haddii qof caayo ama la dagaallamo ha yiraahdo: waxaan ahay qof sooman )
Wuxuu leeyahay rasuulka:
(مَنْ لَمْ يَدَعْ قَوْلَ الزُّورِ وَالعَمَلَ بِهِ ، فَلَيْسَ لِلَّهِ حَاجَةٌ فِي أَنْ يَدَعَ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ ) .
(Qofkaan iska dhaafin Hadalka beenta iyo ku dhaqankiisa Ilaahay dan kama laha inuu ka tago cuntadiisa iyo cabbitaankiisa ).
Wuu leeyahay Alle:
(خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّ صَلَاتَكَ سَكَنٌ لَّهُمْ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ )
(Ka qaad xoolahooda xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna nadiifin una ducee illeen ducadaadu waxay u noqon xasile, Ilaahayna waa maqle oo cilmi badan)
wuxuu yiri Alle:
{الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي الْحَجِّ وَمَا تَفْعَلُوا مِنْ خَيْرٍ يَعْلَمْهُ اللَّهُ وَتَزَوَّدُوا فَإِنَّ خَيْرَ الزَّادِ التَّقْوَى وَاتَّقُونِ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ}
(Xajka waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas xajka, afxumo, fisqi iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Alle, ee sahay qaata, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow ).
Waxaa laga wariyay Abuu Hureyra -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri nabiga:
(مَنْ حَجَّ لِلَّهِ فَلَمْ يَرْفُثْ ، وَلَمْ يَفْسُقْ ، رَجَعَ كَيَوْمِ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ)
(Qofka xajiyo oo aan afxumo ku kicin fisqina sameynin wuxuu ku noqonayaa sida maalinta hooyadii ku dhashay oo kale ).
wuxuu leeyahay nabigeena:
(إِنَّمَا بُعِثْتُ لأُتَمِّمَ مَكَارِمَ الأَخْلاَقِ)
(Waxaa laysoo diray inaan dhammeystiro akhlaaqda suuban ).
assalaam waa magac ka mid ah mgacyada Alle wuxuu leeyahaya Alle:
{هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ}
(Ilaahay isaga mooyee Alle kale ma jiro, waa boqor daahir ah, oo nabadgeliye ah ), salaanta islaamkana waa Assalaam wuxuu leeyahaya Alle:
{وَلَا تَقُولُوا لِمَنْ أَلْقَى إِلَيْكُمُ السَّلَامَ لَسْتَ مُؤْمِنًا }
(Hana dhihina ruux salaan idiin soo gudbiyay ma tihid mu’min ).
salaanta ehlu jannahana jannada dhexdeeda waa assalaam wuxuu leeyahay Alle:
{وَالْمَلَائِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ سَلَامٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ}
(Malaa’igtuna waxay uga soo gali irid kasta * iyagoo ku dhihi ىabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta (Janno)), Nabiga sharafta badan ducadiisa waxaa ka mid ahayd salaad kaste dabadeed:
(اللَّهُمَّ أَنْتَ السَّلاَمُ ، وَمِنْكَ السَّلاَمُ ، تَبَارَكْتَ يا ذَا الْجَلاَلِ وَالإِكْرَامِ)
(Ilaahayow adaa ah nabadgeliye nabaddana xaggaga ayay ka haatay, waad barako badan tahay midka weyniada iyo karaameynta lahow ).
wuxuu leeyahay Alle:
{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَى أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِّن نِّسَاءٍ عَسَى أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ وَلَا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ بِئْسَ الِاسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الْإِيمَانِ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُولَئكَ هُمُ الظَّالِمُونَ}
(Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin ).
wuxuu leeyahay nabigeena:
(مَنْ أَشَارَ إِلَى أَخِيهِ بِحَدِيدَةٍ ، فَإِنَّ المَلاَئِكَةَ تَلْعَنُهُ حَتَّى يَدَعَهُ ، وَإِنْ كَانَ أَخَاهُ لأَبِيهِ وَأُمِّهِ)
(Qofkii walaalkiisa bir ku aaddiyo malaa’igta ayaa lacnadeysa ilaa uu ka tago xataa hadduu yahay walaalkiisa isku hooyo iyo isku aabbe ay yihiin ),
wuxuu naga reebay nabigeena in la garaaco wejiga iyo in summad loo yeelo, markuu arkay rasuulka xayawaan oo wejiga laga summadeeyay wuxuu yiri:
( لَعَنَ الله الّذِي وَسَمَهُ )
(Ilaahay ha lacnado qofkii summadda u yeelay )
wuxuu leeyahay:
( مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ باللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ ، فَلا يُؤْذِ جَارَهُ ، وَمَنْ كَان يُؤْمِنُ بِاللَّهِ والْيَوْمِ الآخرِ ، فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيومِ الآخِرِ ، فَلْيَقُلْ خَيْرًا ، أَوْ لِيَسْكُتْ)
(Qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro yuuna dhibin deriskiisa , qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakkhiro martidiisa ha karaameeyo, qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro wanaag ha sheego ama ha iska ammuso ).
wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:
(أَلَا أُخْبِرُكُمْ بِالْمُؤْمِنِ؟ مَنْ أَمِنَهُ النَّاسُ عَلَى أَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ ، وَالْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ النَّاسُ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ ، وَالْمُجَاهِدُ مَنْ جَاهَدَ نَفْسَهُ فِي طَاعَةِ اللهِ ، وَالْمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ الْخَطَايَا وَالذَّنُوبَ)
(Ma idin sheegaa mu’minka?, waa kan u nabadgaliyay hantidooda iyo naftooda, muslinkana waa kan ay dadka ka nabadgaleen carrabkiisa iyo gacantiisa, mujaahidkana waa ka naftiisa kula jahaaday daacada Ilaahay, muhaajirkana waa kan ka hijrooday gefafka iyo dambiyada ).
Waxaad ogaataa umadda waxay ku taagan tahay akhlaaq haddii akhlaaqda ay ka burburto wax qiime ay leedahay ma jirto iyadana way burbureysaa, maxaa ka fiican gabyaaga oraahduu yiri:
إنَّمَا الأُمَمُ الأخْلاقُ ما بَقِيَتْ *** فإنْ همُ ذَهَبَتْ أَخْلاقُهُمْ ذَهَبُوا
Ummadaha waa akhlaaq intay jiraan
***
Hadday akhlaaqdooda tagto iyagana way tagaan