(Ka qaad xoolahooda xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna nadiifin una ducee illeen ducadaadu waxay u noqon xasile, Ilaahayna waa maqle oo cilmi badan)
(Xajka waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas xajka, afxumo, fisqi iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Alle, ee sahay qaata, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow).
(Malaa’igtuna waxay uga soo gali irid kasta * iyagoo ku dhihi ىabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta (Janno)), Nabiga sharafta badan ducadiisa waxaa ka mid ahayd salaad kaste dabadeed:
(Ma idin sheegaa mu’minka?, waa kan u nabadgaliyay hantidooda iyo naftooda, muslinkana waa kan ay dadka ka nabadgaleen carrabkiisa iyo gacantiisa, mujaahidkana waa ka naftiisa kula jahaaday daacada Ilaahay, muhaajirkana waa kan ka hijrooday gefafka iyo dambiyada).
Waxaad ogaataa umadda waxay ku taagan tahay akhlaaq haddii akhlaaqda ay ka burburto wax qiime ay leedahay ma jirto iyadana way burbureysaa, maxaa ka fiican gabyaaga oraahduu yiri: