Site icon Daruur درور

Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay

Dr Maxamed Mashaali wuxuu ka qalin jabiyey Kuliyadda Caafimadka Jaamacadda Qaahira ee dalka Masar Sannadkii 1967-kii isagoo Kaalinta koowaad u galay dufcadii ay wax isla baranaayeen wuxuuna keenay 99.3%.

Dr Maxamed Mashaali g
Dr Maxamed Mashaali g

Dr.Mashaali wuxuu Furtay Isbitaal yar oo uu ku daaweeyo bukaanada Saboolka ama Faqriga si lacag la’aan ah, Mararka qaarna isagaa ka bixiya lacagaha ay ku iibsan lahaayeen daawooyinka, wuxuuna ka qaadaa oo keliya lacag dhan 10 jineeh oo u dhiganta wax 1$ ka yar si loogu baaro, kuwa aan awoodi karinna si lacag la’aan ah ayuu ku baaraa, wuxuu howshan ku guda jiray muddo 50 sanadood ah.

Dr Maxamed Mashaali g
Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay
Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay
Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay

Subax walba boqolaal bukaan ah ayaa safaf dhaadheer u gala isbitaalka hortiisa si loo daaweeyo, Dr.Mashaali wuxuu shaqeeyaa 10 saacadood maalinkii laga bilaabo 9:00 Aroornimo ilaa laga gaaro 7:00 fiidnimo.

DR.Mashaali ma lahan gaadhi ama baabuur uu ku yimaado goobta shaqada , isagoo 80 jir ah ayuu subax walba ka soo lugeeyaa gurigiisa oo aad uga fog isbitaalka.

Sheekadiisa waxaa maqlay Nin hantiile ah oo u dhashay mid kamid ah wadamada Khaliijka, wuxuu ku tabarucay lacag dhan 20 kun oo dollar iyo gaadhi uu ku yimaado isbitaalka, balse midda layaabka leh ayaa ahayd in Ninkii hantiilaha ahaa uu markale safar ku yimi dalka masar, wuxuu ogaaday In Dr.Mashaali uu lacagtiiyoo dhan u qaybiyey bukaano sabool ah oo awoodi kari waayey qarash ay ku iibsadaan lacagta daawada, gaadhigiina uu iibiyey Lacagtiina wuxuu ku soo iibsaday Qalab cudurada baadha oo uu markaas u baahnaa!

Dr.mashaali mar wax laga weydiiyey sababta uu arinkan u sameynaayo ayaa ku jawaabay ” Intii aan waxbarashada ku jiray Aabahay wixii uu maal lahaa wuxuu ku bixiyey waxbarashadayda iyo sidii aan ku noqon lahaa dhaqtar, Aniguna waxaan ballan ilaahay kula galay in aanan shilin ka qaadan qof aan waxba haysan ama sabool ah oo u baahan inaan daaweeyo,

Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay
Dr Maxamed Mashaali g
Dhakhtar wanaaggiisa dadka ka yaabiyay

Dalkeena Soomaaliya marka aynu eegno waxaa jira Dhaqaatiir badan oo dadka caawiya, kuwa tabarta daranna si bilaash ah ku daaweeya, waxaana ka mid ah dhaqaatiirtaas oo bulshadeenu marqaati ka tahay Dr.shaafici Aadan Dirir oo marar badan aan baraha bulshada ku aragnay isagoo si bilaash ah ku daaweeya dad badan oo la il darnaa xanuuno halis ah,
Dr.shaafici wuxuu Tusaale looga deydo wanaagga u yahay dhammaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ardayda barata Caafimaadka waxaa la gudboon inaysan hadafkooda ka dhigin inay Lacag badan ku helaan oo keliya , ee waxaad marwalba Ku fekertaan haddii aad mar uun dhaqaatiir noqotaan inaad dadka saboolka ah il gaar ah ku eegtaan.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Mustaf Awil Hassan

 

 

Albaabada Khayrka Sahlan Oo Xadiiska Lagu Sheegay

 

تخرج الدكتور محمد مشالي من كلية الطب جامعة القاهرة في مصر عام 1967 بالمركز الأول على صفه وحقق 99.3٪.
افتتح الدكتور مشالي مستشفى صغيرًا لعلاج المرضى الفقراء مجانًا ، وأحيانًا يدفع لهم مقابل شراء الأدوية ،
ولا يتقاضى سوى 10 جنيهات أي ما يعادل دولارًا واحدًا ، وهو يفعل ذلك منذ 50 عامًا.
كل صباح يصطف مئات المرضى أمام المستشفى لتلقي العلاج ، ويعمل الدكتور مشالي 10 ساعات يوميًا من الساعة 9:00 صباحًا حتى 7:00 مساءً.
الدكتور مشالي ليس لديه سيارة للذهاب إلى العمل. يبلغ من العمر 80 عامًا ، وهو يمشي كل صباح من منزله البعيد عن المستشفى.

سمع قصته رجل ثري من إحدى دول الخليج ، تبرع بمبلغ 20 ألف دولار وسيارة للمستشفى ، لكن المفاجأة أن الرجل الثري عاد إلى مصر مرة أخرى ، اكتشفت أن الدكتور مشالي وزع كل شيء. ماله لمرضى فقراء لا يستطيعون شراء الدواء ، وباع سيارته واستخدم النقود في شراء أجهزة التشخيص التي كان يحتاجها في ذلك الوقت! عندما سُئل الدكتور مشالي عن سبب قيامه بذلك ، أجاب: “بينما كنت أدرس ، أنفق والدي ما لديه على تعليمي وكيف أصبح طبيباً.

لقد وعدت الله بأنني لن آخذ فلساً واحداً من أي شخص. “عاجز أو فقير بحاجة إلى الشفاء ، عندما ننظر إلى بلدنا في الصومال ، هناك العديد من الأطباء الذين يساعدون الناس ويعالجون الضعفاء مجانًا ، ومن هؤلاء الأطباء الدكتور شافي عدن درير ، الذي رأيناه مرات عديدة على وسائل التواصل الاجتماعي.

يعالج الكثير من الأشخاص الذين يعانون من أمراض خطيرة، الدكتور الشافعي مثال خير لكل الأطباء الصوماليين. أخيرًا ، لا ينبغي لطلاب الطب أن يضعوا هدفهم في كسب الكثير من المال ، ولكن فكر دائمًا إذا أصبحت طبيباً أن تنظر إلى الفقراء بعين خاصة. شكرا لك أخي ، يرجى المشاركة والمشاركة مع الإخوة والأخوات الآخرين حتى يتمكنوا من قراءة هذا المقال.

Exit mobile version