Site icon Daruur درور

Dagaal sokeeye hadduu dhaco 2021 yaa mas’uul ka ah

Dagaal sokeeye hadduu dhaco 2021 siduu u dhacay 1991-kii yaa sabab u ah?

Sida muuqata Soomaali waxay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye inuu ka dillaaco, taasna waxaa keentay muddada uu Farmaajo ku darsaday oo ah labo sano.

Taas waxay soo xusuusinaysaa xukun jacaylka madaxweynihii afgambiga ku qabsaday dalka Maxamad Siyaad Barre.

Gabdho hubaysan
Gabdho hubaysan

Tolow taariikhda mar labaad miyay soo noqon rabtaa, waxaa lala yaabaa dadkii ka horreeyay Farmaajo si sahlan ayay ku dhiibeen xukunka, waxay qabteen doorasho, gaar ahaan labada madaxweyne ugu dambeeyay Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh iskuma dhejinin talada iyagoo ka dhashay beesha Abgaal oo awood ballaaran ku leh Muqdisho, maantana Farmaajo wuxuu isku dhejinayaa talada isagoo kasoo jeeda Beel loo arkayay inay sabab weyn ka  tahay burburka soomaali 1991-kii.

Marka waxaa isweydiin mudan Farmaajo miyuu u yimid dalka inuu ka taliyo mise inuu tiirka ka jabiyo?

Maxaa ka hallaabaya hadduu doorasho sameeyo ? muxuuse ka baqayaa?  yaase ka dambeeyo Farmaajo?

Dadka ku nool magaalada Muqdisho badankooda waxay dareemayaan xasaasiyad keeni karta inay ku fakadaan dagaal sokeeye, qabyaaladdii ayaa soo noolaan rabta taasna waxaa ka mas’uul ah Farmaajo iyo kooxda Taageersan oo ka dhigay in la taageero farmaajo qarannimo.

Kooxo oo beesha Farmaajo ka mid ah ayaa dagaal weyn kaga jira difaaca Farmaajo waxay ka dhigayaan inuu yahay Farmaajo ninka kaliya xaq u leh inuu madaxweyne sii ahaado, dad badan ayay sireen waa dad qabyaalad ka dheregsan oo muujinaya qaran been ah, waxay sireen dhaliyar badan oo da’ yar.

Waxaad ogaataa kooxahaas qaar badan mushaar ayay ku qaataan inay Farmaajo taageeraan oo ay Faafiyaan sawirada Farmaajo iyagoo ka dhigaya halyey.

Maxaa keenay inay qaataan gabdhaha ku nool Muqdisho qaar ka mid ah hub ?

Sheekada ma yara. waxaa laga rabaa Farmaajo inuu u noqdo taariikhda oo uu ku cibraqaato madaxda isku dayay inu ku waaraan xukunka, waxaan ka baqayaa Farmaajo in la marsiiyo waddadii uu maray madaxweynihii Libya Macamar Alqadaafi.

  WQ: Xaaji Qaran qabyaaladdiid

Exit mobile version