Site icon Daruur درور

Dadka qaar dibqalooca aan karin maxaa la dhihi karaa

Su’aasha:

Asc dr waxan ku weydinlaha
Waxan arkay dadka qaar oo uusan karin ama wax xanuun ah aanan dareemin qaniinyada dibqalooce iwm dadkaasi maxey yihin?

Qaar kamida hadii ay candhuuftooda saraan qof ay abeeso qanintay misana ku bogsada shekadaas igadabagee full information igasii please dr nagu qaaliga?

Dadka qaar dibqalooca aan karin maxaa la dhihi karaa
Dadka qaar dibqalooca aan karin maxaa la dhihi karaa

Jawaabta:

Waxaa laga yaabaa inuu yahay dibqalooc aan sun daran lahayn, adduunka waxaa laga helaa in la eg 1500 nooc oo dibqalooc ah oo kala daran xagga sunta, qaar waxaa jira halis ah oo qofkii ay qaniinaan ku dhimanaya.
Marka haddii ay dhacdo dadka qaar qaniinyada nooleyaasha sida dibqalooc ama maska qaar aan wax ka dhibin iyagaa ah kuwa aan sun daran lahayn, ee ma jiro qof jirkiisa aan dhib kasoo gaari karin qaniinyada cayayaanka halista ah.

Sidoo kale dibqaloocyada qaar xanuun ma laha laakin sun ayay leeyihiin marka ay ku dhuftaan suntaas ayaa kala daran nooca ayay ku xiran tahay.

Exit mobile version