Dabeecadaha dadka sida lagu ogaado
Xadiiskan waxaan ka faa’idaynaa astaamaha lagu garto dabeecadaha dadka.

Qaababka qofka lagu ogaan karo dabcigiisa inuu yahay qof wanaagsan ama qof xun, waxaa laga wariay Cumar bin Alkhaddaab arrin tilmaamayso sida kusoo aroortay xadiiskan:
عَنْ خَرَشَةَ بْنِ الْحُرِّ قَالَ : شَهِدَ رَجُلٌ عِنْدَ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِىَ اللَّهُ عَنْهُ بِشَهَادَةٍ فَقَالَ لَهُ : لَسْتُ أَعْرِفُكَ وَلاَ يَضُرُّكَ أَنْ لاَ أَعْرِفُكَ ائْتِ بِمَنْ يَعْرِفُكَ. فَقَالَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ : أَنَا أَعْرِفُهُ قَالَ : بِأَىِّ شَىْءٍ تَعْرِفُهُ؟ قَالَ : بِالْعَدَالَةِ وَالْفَضْلِ. فَقَالَ : فَهُوَ جَارُكَ الأَدْنَى الَّذِى تَعْرِفُ لَيْلَهُ وَنَهَارَهُ وَمَدْخَلَهُ وَمَخْرَجَهُ؟ قَالَ : لاَ. قَالَ : فَمُعَامِلُكَ بِالدِّينَارِ وَالدِّرْهَمِ اللَّذَيْنِ بِهِمَا يُسْتَدَلُّ عَلَى الْوَرَعِ؟ قَالَ : لاَ. قَالَ : فَرَفِيقُكَ فِى السَّفَرِ الَّذِى يُسْتَدَلُّ بِهِ عَلَى مَكَارِمِ الأَخْلاَقِ؟ قَالَ : لاَ. قَالَ : لَسْتَ تَعْرِفُهُ ثُمَّ قَالَ لِلرَّجُلِ : ائْتِ بِمَنْ يَعْرِفُكَ.
أخرجه البيهقي في السنن الكبرى 1/125 رقم الحديث: (20901)
Waxaa laga wariyay Kharsha bin Alxur inuu yiri: nin ayaa arrin ka markhaati kacay Cumar bin Alkhaddaan agtiisa – Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu ku yiri: kuma garanayo mana ku dhibayso inaanan ku garanaynin ee keen qof ku garanayo, nin oo dadka ka mid ahaa ayaa yiri: anaa garanayo, wuxuu yiri: maxaad ku og tahay wuxuu yiri: waxaan ku ogahay cadaalad iyo wanaag, wuxuu yiri: ma deriskaaga kuu dhow baa oo aad garanayso habeenkiisa iyo maalintiisa, bixiddiisa iyo soo galiddiisa? wuxuu yiri: maya, wuxuu yiri: diinaar iyo dirham ma idin dhex mareen kuwaasoo lagu garto dhowrsanaanta? wuxuu yiri: maya: safar mala gashay kaasoo lagu garto akhlaaqda fiican? wuxuu yiri: maya wuxuu yiri ma garanaysid kaddib ninka ayuu ku yiri: qof ku garanayo keen. waxaa laga qaadanayaa xadiiskan inaan lagu degdegin garashada dadka qof aadan si fiican u ogaanin xaalkiisa ma aha inaad tiraahdo waan garanayaa.
Akhlaaqda Gabadha Muslimada Ah Iyo Xishoodka