Site icon Daruur درور

Daawada ugu fiican wajiga barta madow ka tirtirta

Su’aasha:

Waxaan rabaa inaad ii sheegtaan daawada ama kareemka ugu fiican oo lagu nadiifin karo wejiga marka uu yahay maqaarka mid dufin wato oo qoraxda marka ay qabato madow noqda daawo aan dhib lahayn oo side effect lahayn mahadsanidin.

Daawada ugu fiican wajiga barta madow ka tirtirta
Daawada ugu fiican wajiga barta madow ka tirtirta

Jawaabta:

Maqaarka dadka qaarkooda waa mid saliid ama dufin leh oo qoraxda marka ay dhufato madoobaada, maqaarka noocaas ah dhaqsi ayuu madow u noqonayaa siiba wejiga, marka waxaa jira daawo lagu nadiifin karo waxay ka qaaddaa baraha yaryar ee madowga ah ama daawada laysku cadeeyo kaliya waxay ka qaaddaa waskhda ku dhegtay daawadaas waxaa la la yiraahdaa Synobar iyada ayaa ugu fiican.

Sidoo kale waxay ka baabi’isaa wejiga findoobka iyo nabraha iirta ah waxay nadiifisaa meelaha dulduleela oo xaadada kasoo baxdo waxayna ka ilaalisaa inay xirmaan.

Ma aha daawadan daawo wajiga lagu cadeeyo laakin midibka asalka ayay soo saartaa waxay ka nadiifisaa baraha madmadow oo maqaarka qabsaday ee qorraxda ay keentay.

Daawadan waxaa la adeegsanayaa maalintii labo jeer  subax iyo galab gacanta inta qayb lagu shubo ayaa lagu daliigaa wejiga ilaa ay xumbo ka keento inta biyo yar lagu daro.

Exit mobile version