Cuntada iyo caafimaadka xiriirka ka dhexeeya
Caafimaadka iyo cuntada xiriir weyn ayaa ka dhexeeya, qofka intuusan ku degdegin daawo waxaa habboon inuu ilaaliyo cuntada uu qaadanayo iyo xilliga uu qaadanayo.
Jirrooyinka badankooda waxay ka dhashaan cunta xumida si xun in loo adeegsado cuntada ama in la cuno cunto dhib jirka u keenaysa.

Sidoo kale waqtiga cuntada la qaadanayo isagana kaalin weyn ayuu ka cayaaraa waxtarka cuntada.
Sidoo kale cuntada marka ay kala duwan tahay aad bay u fiican tahay marka loo eego raashinka hal nooc ah.
Cunto waxaa ugu fiican tan fareeshka ah oo dhulka si toos loogasoo guray, sida qudaarta iyo furuudka oo kale.

Waxaa soo raaca cuntada sida habboon loo kariyay taas oo laga ilaaliyay saliidaha dabka la falgala.
Tusaale ahaan saliidaha badankooda marka ay dabka la falgalaan waxay keenaan cuduro badan, siiba cudurada ku dhaca beerka.
Sidoo kale waxaa habboon inuu qofka cuno xubuubta wada dhan oo aan wax kale lagu darin, sida gallayda qamadiga bariiska oo kale.
Saliidda badan dhib ayay qofka u keenaysaa saliid waxaa ugu fiican saliid seytuun iyo saliid macsaro.
