Cuntada iyo caafimaadka xiriirka ka dhexeeya

Caafimaadka iyo cuntada xiriir weyn ayaa ka dhexeeya, qofka intuusan ku degdegin daawo waxaa habboon inuu ilaaliyo cuntada uu qaadanayo iyo xilliga uu qaadanayo.

Jirrooyinka badankooda waxay ka dhashaan cunta xumida si xun in loo adeegsado cuntada ama in la cuno cunto dhib jirka u keenaysa.

Cuntooyinka kala duwan
Cuntooyinka kala duwan

Sidoo kale waqtiga cuntada la qaadanayo isagana kaalin weyn ayuu ka cayaaraa waxtarka cuntada.

Sidoo kale cuntada marka ay kala duwan tahay aad bay u fiican tahay marka loo eego raashinka hal nooc ah.

Cunto waxaa ugu fiican tan fareeshka ah oo dhulka si toos loogasoo guray, sida qudaarta iyo furuudka oo kale.

Cuntada saliida lagu dubay
Cuntada saliida lagu dubay

Waxaa soo raaca cuntada sida habboon loo kariyay taas oo laga ilaaliyay saliidaha dabka la falgala.

Tusaale ahaan saliidaha badankooda marka ay dabka la falgalaan waxay keenaan cuduro badan, siiba cudurada ku dhaca beerka.

Sidoo kale waxaa habboon inuu qofka cuno xubuubta wada dhan oo aan wax kale lagu darin, sida gallayda qamadiga bariiska oo kale.

Saliidda badan dhib ayay qofka u keenaysaa saliid waxaa ugu fiican saliid seytuun iyo saliid macsaro.

Sambuus saliid ku duban
Sambuus saliid ku duban

Marka la eego waqtiyada cuntada la cunayo qofka waxaa fiican inuusan isku daldalin raashin badan, waxaa la rabaa qofka inuu cuno markla uu gaajo dareemo, gaajada astaan waxay u tahay inuu jirka u baahan yahay sahay, sidoo kale cuntada inaysan ahaan mid qalayl ah.

Waxaa kaloo la rabaa habeenkii waqti dambe qofka inuu iska ilaaliyo qaadashada raashinka taas waxay keenaysaa jirooyin badan waayo dheefshiid sakhda dhexe si fiican uma shaqeeyo sidaa awgeed cuntada dhaqsi uma socneyso, waxaa laga yaabaa qofka inuu ka qaadao calool xanuun iyo dibir.

Marka caafimaadka wuxuu inta badan ku jiraa habeynta raashinkaaga.

Waxaa kaloo muhim ah in la tilmaamo bisha Ramadaan waa fursad qofka uu ku heli karo caafimaad maxaayeelay soonka wuxuu xoojiyaa caafimaadka jirka, wuxuu ka tirtiraa jirka wixii dheeraad ah oo uusan u baahnayn, xubnaha shaqada culus ayay ka nasanayaan, marka waa wax muhum ah.

 

Waxaan rabaa inaad ii sheegto sida loo isticmaalo ginseng

 

Caafimaadka laga heli karo cuntooyinka qaar
Caafimaadka laga heli karo cuntooyinka qaar

 

The relationship between food and health

Health and food are closely related, before a person rushes to take medicine, it is advisable to monitor the food they eat and the time they eat it.
Most illnesses are caused by poor diet, improper use of food or eating food that causes harm to the body.
Also, the time at which food is eaten also plays a major role in the effectiveness of food.
Also, a varied diet is much better than a single type of food.
The best food is fresh and harvested directly from the ground, such as vegetables and fruits.

It is accompanied by properly cooked food that has been protected from oils that react with fire.
For example, most oils when reacted with fire cause many diseases, especially liver diseases.
It is also advisable for a person to eat whole grains without adding anything else, such as corn, wheat, rice.
Too much oil causes problems for a person, the best oils are olive oil and rapeseed oil.
Regarding the times when eating food, it is better not to overeat, a person should eat when he feels hungry, hunger is a sign that the body needs supplies, and the food should not be dry.
It is also advisable for a person to avoid eating late at night, which causes many diseases because digestion does not work well in the middle of the night, so food does not pass quickly, a person may get stomach aches and diarrhea.
So health is often in organizing your diet.
It is also important to point out that the month of Ramadan is an opportunity for a person to gain health because fasting strengthens the body’s health, removes excess waste from the body, and gives the organs a rest from heavy work, so it is important.

Leave a Reply