Cudurka kacsiga goormuu dhalinyarada ku dhacaa

Su’aasha:

Wad kumasantihiin sida aad iguso jawabten
Ponograghy iyo siigada Ayan aad usameyn jiray hada wan joojiyay mudona masameyn lakin waxaan isku arkay dumarka Ayan xasasiyad kaqaday markan haweenay arkaba jiray Ayan kakacsada qoyan Ayan iska darema xata haday xijabantahay Oo ay astuurantahay waayo cawradeda Aya isawirmayso marka sideyn iska daweeyA.

Cudurka kacsiga goormuu dhalinyarada ku dhacaa
Cudurka kacsiga goormuu dhalinyarada ku dhacaa

Jawaabta:

Waxa ku haya wuxuu ka dhashay daawashada filimada galmada aad daawanayso, taas maskaxda ayay kaa galisay dumarka inaad fiiriso oo aad maskaxda ku sawirato iyagoo qaawan.

Waxaa loo yaqaanaa cudurka kacsiga ama mayiiko dhalinyarada wuxuu ku dhacaa markay daawadaan filin galmo ama naago qaaqaawan.

Marka hore dambiga ka towbad keen markaad ka harto kaddib sidaas ayaad ku caafimaadi kartaa haddaad sii waddo daawashada filimada xunxun siigada ayaad sii wadaysaa marka waxyaalahaas naftaada ayay burburinayaan.

Webka Daruur ka raadi qaabka loo joojiyo siigada iyo daawashada filimada xunxun iyo dhibka ay leeyihiin iyoo sida qofka naftiisa uu uga ilaalin karo.

Siigo xal ma noqonayso waxaa xal ah qofka inuu guursado waa waddada kaliya ugu fiican in shahwada lagu dajiyo haddaan la awoodin guurka qofka soon ayuu ku jawbinayaa kacsiga.

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنِ اسْتَطَاعَ البَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ، فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ).

(Dhalinyarooy qofkii awoodo guurka ha guursado, maxaayeelay isagaa aragga u laabid badan farjigana u ilaalin badan, qofkii aan awoodin ha soomo , maxaayeelay wuxuu u yahay gooyn)

 

Wuxuu ku galladeystay Alle (SW) addoomihiisa nimcadan oo ku sugan kitaabkiisa kariimka ah, wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{وَاللَّـهُ جَعَلَ لَكُم مِن أَنفُسِكُم أَزواجًا وَجَعَلَ لَكُم مِن أَزواجِكُم بَنينَ وَحَفَدَةً وَرَزَقَكُم مِنَ الطَّيِّباتِ أَفَبِالباطِلِ يُؤمِنونَ وَبِنِعمَتِ اللَّـهِ هُم يَكفُرونَ}.

(Eebe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka Gaaloobi)

 

Daawo Ma Jirtaa Kacsiga Lagu Yareeyo

Dareenka Iyo Kacsiga Badan Maxaa Lagu Xalinkaraa?

Dhalinyarada Qaar Soonka Kacsi Muxuu Ugu Kordhiyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More