Site icon Daruur درور

Cirada marka la tifo masoo badataa mise way yaraataa

Su’aasha:

Xabad Xabad Ciro Ayaan Leeyahay Markasta oon Mid Isku Arkana Waa Gooyaa Dadka Qaar Ayaa Yidhaahda Hadii La Googooyo Waysii Badataa Halka Qaar Kalana Yidhaahdaan Way Sii Yaraataa Labadaa Fikradood Midkee Saxan Mahadsanid.

Cirada marka la tifo masoo badataa mise way yaraataa
Cirada marka la tifo masoo badataa mise way yaraataa

Jawaabta:

Cirrada in la tifo waa laga fiican yahay diin ahaan waa karaaho, axaadiis ayaa kusoo aroortay oo reebaysa arrintaas, waxaa ka mid ah xadiis laga wariyay Kacab bin Murra (RC) wuxuu yiri nabiga (SCW):

( مَنْ شَابَ شَيْبَةً فِي الْإِسْلَامِ كَانَتْ لَهُ نُورًا يَوْمَ الْقِيَامَةِ ).

(qofkii ku cirroobo islaamka cirrada nuur ayay u noqonaysaa maalinta qiyaamaha)

waxaa xadiis saxiix ah waxaa wariyay Attirmithi.

Waxaa kaloo soo arooray xadiis laga wariyay Abuu Hurayra (RC): wuxuu yiri rasuulka (SCW):

( لا تنتفوا الشيب, فإنه نور يوم القيامة , من شاب شيبة في الإسلام كانت له بكل شيبة حسنة , ورفع بها درجة )

(ha tifina cirrada maxaayeelay waa nuurka maalinta qiyaamaha, qofkii ku cirroobo islaamka cirro kaste ajir ayuu ku helaa darajana waa lagu siinayaa)

Waxaa wariyay xadiiskan ibnu Xibbaan waana xadiis xasan ah.

Taas macnaheeda ma aha in la dooriyo tinta cad oo midabka laga baddalo, diin ahaan wax dhib ma laha, madoobeysada kaliya ayaa khilaaf ka taagan, culimo way baneeyeen qaarna way diideen cid kastana daliil ayay haysataa.

Markaan usoo laabto su’aashaada tifitaanka cirada ma ku badataa ama way ku yaraataa, jawaabta waa sidan: tinta cad marka la tifo ma badato mana yaraanto middii aad gooysay booskeeda isla cirradii ayaa kasoo baxayso, marka tifidda laguma yareyn karo cirada,  waxaa kuu fiican inaad iska deyso.

Exit mobile version