Site icon Daruur درور

Caruurta guryaha lacagta ka xado maxaa u keeno

Su’aasha:

Su’aal baan qabaa o ah cunugayga wuxuu bartay inuu wax guriga ka xado waxaan la yabanahay siduu ku bartay, waxaa iga sii nixiyay qof dariskeena ah oo igu ymid guriga wuxuu igu yiri waxaan kuu sheegi rabaa wax waana ka xishoonayaa waxaan ku iri sheeg wuxuu igu yiri anoo masjidka kasoo baxayo cunugaaga ayaa ii yimid wuxuu igu yiri aabahayga ma joogo dhib ayaa na haysto waxaan rabnaa inaad na amaahiso lacag wuxuu sheegtay lacag xoogaa badan hadalkiisa ma rumaynin mana siinin waxa uu rabo markaas ayaan gurigiina soo aaday saan idinku sheego waxaan idin dhihi lahaa cunugiina ilaaliya waxaa laga yabaa inuu ku dhaco gacan dad xun.

Caruurta guryaha lacagta ka xado maxaa u keeno
Caruurta guryaha lacagta ka xado maxaa u keeno

Jawaabta:

Waxay u noqonaysaa arrintan tarbiyada, marka koowaad ilmaha marka si wanaagsan loo tarbiyeeyo waxay noqonayaa kuwa iska jira akhlaaqda xun, tan labaad ilmaha waxaa habboon in aan laga bakhaylin waxa ay u baahan yihiin oo aan dhib u keenaynin, marka uu noqdo aabaha mid aad bakahyl u ah cunuga uusan u oggolaanaynin wax yar cunuga faciisana wax fiican haysta wuxuu  isku dayaa inuu lacag xado, tan seddexaad cunugga marka uu la saaxiibo caruur isaga ka waaweyn oo akhlaaq daran waxaa laga yaabaa inay ku boorriyaan inuu lacag kasoo xado hooyadiisa ama aabihiisa, sheekada haddii ay sii socoto waxaa laga yaabaa cunugga inuu tuug weyn noqdo. ama qof daroogeyste ah.

Exit mobile version