Astaamaha lagu garto Aydhiska qofka qabo iyo qaababka loo qaado
Astaamaha lagu garto in Aydhis qofka qabo iyo qaababka loo qaado Aydhiska waa cudur burburiya isdifaaca jirka wuxuu noqonayaa qofka fayraska Aydhiska ku dhaco qof jirro oo dhan jirkiisa iska reebi karin Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah Qofka oo aad caata u noqda lafolafo sida qalfoof oo kale Qandho aan qofka daynin mar walba Hungurimareenka iyo dhuunta inuu qofka ka bararo Xanuunka murqaha jirka oo soo bata, kalabaxyada oo dhan Daal iyo noog aan la soo koobi karin jirka oo dhan wada qabsada Astaamahan isbuuc ama laba isbuuc ayay jirayaan kaddib waa la waynayaa.

markaas wuxuu bilaabaa jirka qofka aydhiska hayo inuu burburo ilaa uu ka dhinto waayo jirka iskama difaaci karo cudurada iyo fayrasyada Aydhiska Qaabkee baa laysaga qaadaa Waxa ugu weyn oo aydhis laga qaado waa galmada xaaraanta ah sidoo kale nin marka uu nin kale u tago oo midkooda cudurka aydhiska qaba sidoo kale ninka naag aydhis qabta afka ka dhuuqa, waayo dhareerka qofka jirran oo cudurkan qaba wuxuu wataa fayraska sidoo kale galmada afka iyada waa laysaga gudbiyaa midkooda haddii uu qabo cudurka raga xaasaska leh oo sinada sameeyo naagahooda khatar ayay ku jiraan sidoo kale dadka daroogada isku dura oo adeegsada hal irbad iyadoo qaarkooda ay aydhiska qabaan sidoo kale qofka dhiig fayraska aydhiska wata lagu shubo sidoo kale qof aydhis qaba haddii sakiin loogu xiiro kaddib qof kale loogu xiiro sakiintaas waa dhici kartaa inuu ku dhaco waayo dhaawac ayay gaysataa sakiinta mararka qaarkooda, fayraska aydhiskana wuxuu la socdaa dhiigga Dadka aan aydhiska ku dhicin waa dadka Si dhab ah u qaatay amarka Ilaahay Kana fogaaday wixii laga reebay Waayo aydhiska wuxuu kaa soo gala sinada Sidoo kale naagta nin xun guursanaysa waa inay ka fiirsataa, ninka sinada gala wuu u keeni karaa cudurka aydhiska xaaskiisa iyadoon sino galin. Ilaahay wuxuu na amray inaan sinada ka fogaano Taas oo ah wixii sinada u dhow oo dhan in laga fogaado Cudurka ay aydhiska waa cudur si xun ugu badan bulshada aan iska ilaalinin xumaanta , mar kastana wuu sii kordhayaa Ilaahay ha inaga badbaadiyo,
Ereyada furaha u ah qoraalka:
aydhiska sidee lagu gartaa, cudurka aydhiska, qaabka loo qaado aydhiska sinada, sinada aydhis ma keentaa, maxaa astaan u ah cudurka hiv
