Site icon Daruur درور

Aragtida gaaban maxaa lagu daaweyn karaa

Su’aasha:

Suaashan waxa ay tahay waxaa la isoo qorey ookiyaale
marka xoogaa araga ayaa idaciifey {araga dheer}
ookiyaalkaa waxaa la idhahay 6 bilood wado kadib inoo imaaw markaa ookiyaalkaa araga sidegdeg ah ma igusoocelinkaraa hadii aan wato markasto,hadii 6daa bilood iidhamaato midkale miyaa iidhimnaanaya mise sideydi hore ayaan kusoo laabanayaaa? waad mahadsantihiin sidaa suaaalaha inoogu soo jawaabtaa 1001 mahadsanidiin.

Aragtida gaaban maxaa lagu daaweyn karaa
Aragtida gaaban maxaa lagu daaweyn karaa

Jawaabta:

Marka ay daciifto aragtida dheer qofka wuxuu u baahanahayaa ookiyaale “indhagashi” u saxaya aragtida gaaban, taas macnaheeda ma aha ookiyaalaha inuu indhaha sidoodi kusoo celinaya, qofka aragtidiisa ookiyaale laguma daaweyn karo, kaliya ookiyaalaha caafimaadka waxaa loogu talaggalay inuu saxo aragtidaas.

Markaad muddo wadato mar kale waa inaad baartaa nambarka aragtidaada waxaa laga yaabaa inuu isbaddalo inta badan nambar ka weyn ayaad u baahanaysaa.

Laakin waxaa talo iga ah waxaad iska ilaalinaysaa inaad iftiin eegto siiba markaad ku jirto meel mugdi ah, sidoo kale inaad daaliso indhahaaga sidoo kale siigada iska ilaali iyadana indhaha ayay daciifisaa, waxaad cuntaa qudaarka gaar ahaan karootada.

Exit mobile version