Anigoo madax ciidan ah riyada maxay tahay

Su’aasha:

Asc iga raali ahaada Noona dulqaado hadaan qoraal dheer soo dirno
Riyada anigoo gobol kamida gobolada wadankeenii safar u aaday magaalo yaroo aanan hore u arag
Kabacdina magaaladii maqaaxi shaah ka cabaaya
Kabahana baalashaystay kabacdi kabacdi baalashlihii intaan lacag iskutala u dhiibay baaqigii ISKA Qaatay kabacdina shaahii ISKA bixiyay baalashlihii igu soo noqdayoo lacag kale keen leeyahay ayaa waxaa soo istaagay Baabuur badanoo ciidanahoo dhawr boqol ah askartii ayaa soo dagayoo ii yimid oo igu yidhi taliye oo tigtooni igu salaamay kabacdi baalashlihii soo qabyo yidhi maxad taliyahayaga waydiinaysay debadeed isagoo oo baqaya ii yimidoo baaqigii waakane iga raali ahaw yidhi kabacdina aan saamaxay lacagtiina u daayay
Ayaa waxaa markaasi magaalada ka jiray dhinaca waqooyi oo ahayd meel ay ka dhisan yihiin waabab guryo ah oo labada xaafadood ee magalada u dhaxeeya ayay tuugtu ku dhuumataa oo dadkana aad u dhibay dhamaan waxaan amar ku bixiyay inla dumiyo ciidankiina amarkii ayay Qaateen oo dumis lagu bilaabay
Ana waan dhaafay xaafad xaga shishe ah ayaan tagay barkad buuxdaan ku maydhay kabacdi guribaan galay beerway ku dhexyaala sariir hoosteda ayaan shandad kasoo saaray Shaad cad iyo surwaal cad oonlahaa iyo kabo cusub waan xidhay aadban ugu qurxoonaa oo xataa askartii ilasocotay ee staffkayga ahaa ayaa igu yidhi wow waankusoo baxday taliye dharkan anaa waan qoslay oo waan faraxsanaa
Allah mahadle.

Anigoo madax ciidan ah riyada maxay tahay
Anigoo madax ciidan ah riyada maxay tahay

Jawaabta:

Riyadan marka lasoo koobo waxay tilmaamaysaa jagada aad heli doonto oo ah hanti iyo magac oo kuu sahlaya inaad dadka hoggaamiso oo lagaa dambeeyo,  wax kaste aad rabtana  in si fudud aad ku helayso, guud ahaan riyooyinka aad nasoo weyddiisay badankooda isku macne ayay tilmaamayaan kaas oo ah guul iyo horumar.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More