Site icon Daruur درور

Alle siduu khalqiga amarkiisa ugu fuliyo

Alle siduu khalqiga amarkiisa ugu fuliyo

Awoodda Alle lama soo koobi karo wax ka awood badan ma jiro

Alle siduu khalqiga amarkiisa ugu fuliyo
Alle siduu khalqiga amarkiisa ugu fuliyo

Markaad eegto aaydaha quraanka kariimka si fiican ayaad u ogaan kartaa awoodda Alle meesha ay gaarsiisan tahay.

Qofka muslimka waa inuu sidaas ogaadaa, waa waddada uu ku dejin karo qalbigiisa wuxuu ku helaa arrintaas xasilooni.

wuxuu leeyahay Alle:

{وَإِن يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُ إِلَّا هُوَ وَإِن يَمْسَسْكَ بِخَيْرٍ فَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ * وَهُوَ الْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ}

(Hadduu ku taabsiiyo Alle dhib wax faydi ma jiro isaga mooyee hadduu ku taabsiiyo khayrna isagaa wax walba kara * waana ka adkaadaha addoomadiisa korkooda waana falsame xeel dheer)

wuxuu leeyahay Alle – subaxaanahu watacaalaa -:

 

{وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلالا مُّبِينًا}

(Kuma haboona (umana banaana) nin mu’min ah iyo haweenay mu’minad ah marka Alle iyo rasuulkiisu wax xukumayaan inay iktiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Alle iyo rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid cad)

Wuxuu leeyahay Alle:

{مَّا يَفْتَحِ اللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُ مِن بَعْدِهِ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ}

(Wixii Alle dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soo dayn kara ma jiro gadaashiisa, waana adkaade falsan),

 

Afrta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay

Exit mobile version