Site icon Daruur درور

Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo

Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo

Qof muslin oo sooman in la afuriyo ma aha wax yar, waxaa laga helaa ajar aad u weyn, ajirka laga helo axadiis ayaa sheegtay, wayba ka sii daran tahay marka uu yahay qofkaas qof dan yar ah.

Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo
Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waxa uu yiri:

 

(من فطّر صائماً كان له مثل أجره غير أنه لا ينقص من أجر الصائم شيء)

(qofkii afuriyo qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale isagoo aan wax laga dhimin qofka sooman ajarkiisa)
Waxaa wariyay Tirmithi iyo Nasaa’i iyo Inbu Maajah iyo Ibnu Khuzayma iyo Ibnu Xibbaan.

Sidoo kale xadiis kale waxaa kusoo arooray:

(من فطر صائماً على طعام وشراب من حلال صلت عليه الملائكة في ساعات شهر رمضان، وصلى عليه جبريل ليلة القدر)

 

(qofkii ku afuriyo qof sooman cunto iyo cabbitaan xalaal ah malaa’igta ayaa ku sallinayso saacadaha bisha Ramadaan oo dhan Jibriilna wuxuu ku sallainayaa habeenka laylatulqadarka).

waxaa wariyay Dabaraani iyo Abushaikh.

wuxuu leeyahay sayidkeena Cabdullaahi bin Cabbaas (Alle raalli haka noqdee):

(كان رسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم أجودَ الناسِ بالخيرِ، وكان أجودَ ما يكون في شهرِ رمضانَ)

(Rasuulkii Alle (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu ahaa midka dadka ugu deeqsinima badan xagga samafalka wuxuu ugu deeqsinima badnaa bisha Ramadaan)

Bukhaari ayaa wariyay

Barnaamijka afurinta dadka danta yar waa barnaamij aad u wanaagsan oo ay fiican thay in dadka hayo la garab istaago.

waad u jeeddaa dadkan siday ugu dadaalayaan dadka  danta yar waxay u karinayan cunto marka intaad awoodoo ayaa lagaaga baahan yahay inaad ku darsato oo aad raadiso dadkaas oo aad wanaagga ku taageerto. Guud ahaan qof cunto in la siiyo wax yar ma aha  waxaa la weyddiiyay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee): islaamkee ugu fiican? wuxuu yiri (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(تُطْعِمُ الطَّعَامَ، وتَقْرَأُ السَّلَامَ علَى مَن عَرَفْتَ ومَن لَمْ تَعْرِفْ).

(cunto ayaad quudinaysaa waadna salaamaysaa qofkii aad garanayso iyo qofkii aadan garanaynin)

Bukhaari ayaa wariyay

 

 

YouTube video player

Exit mobile version