Site icon Daruur درور

Abtigay qofta uu qabo ma ii banaantahay weysadana ma iga jabisaa?

Su’aasha:

Walaal Abtigey gabadha uu qabo ma guursan karaa weysana ma iga jabisaa.

Abtigay qofta uu qabo ma ii banaantahay weysadana ma iga jabisaa?
Abtigay qofta uu qabo ma ii banaantahay weysadana ma iga jabisaa?

Jawaabta:

Xaaska abtiga waxay kaa tahay ajnabi sidoo kale waxaa la mid ah xaaska adeerkaaga waxay la mid yihiin walaalkaaga xaaskiisa, dadka waxay haystaan inay tahay xaaska dareerka ama abtiga sida xaaska aabbaha oo kale, xaaska aabbaha quraanka ayaa si toos u xarrimay.
Sida walaalkaaga xaaskiisa ay ajnabi kaaga tahay ayay xaaska abtigaaga ajnabi kaaga tahay.

Bal walaalka ayaaba qaraabanimada kaaga dhow abtigaaga iyo adeerkaaga.

Marka laga hadlayo jabinta waysada ma’habka shaafici wuxuu qabaa naag kaste guurkeeda kuu bannaan yahay inay weysada kaa jabiso haddii aad jirkeeda taabato.

Marka raga fududaysanaya dumarka abtigooda ama adeerkooda qabo oo khlawo la gala ha iska ilaaliyaan ajnabi ayay kaa yihiin dumarkaas.

Laakin xaaska aabbahaaga la mid ma aha, Alle ayaa ku caddeeyay quraanka wuxuu yiri:

(وَلَا تَنكِحُوا مَا نَكَحَ آبَاؤُكُم مِّنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۚ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَمَقْتًا وَسَاءَ سَبِيلًا)

(Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun). rd

Exit mobile version