Site icon Daruur درور

Aayadaha iyo axaadiista sakada ee ugu muhiimsan

Aayadaha iyo axaadiista sakada ee ugu muhiimsan

Sakada waa tiirka seddexaad ee islaamka oo salaadda iyo labada shahaado kadib imaanaya, Quraanka ma kala reebo salaadda iyo zakada inta badan.

Aayadaha iyo axaadiista sakada ee ugu muhiimsan
Aayadaha iyo axaadiista sakada ee ugu muhiimsan

Taas waxay tilmaamaysaa meesha ay ka taagan tahay sakada diinta islaamka, wuxuu yiri (SW):

{وَأَقِيمُوا الصَّلاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَارْكَعُوا مَعَ الرَّاكِعِينَ}

(Ooga salaada, hixiyana sakada, lana rukuuca kuwa rukuuca)

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa (SW):

{وَأَقِيمُوا الصَّلاَةَ وَآتُواْ الزَّكَاةَ وَمَا تُقَدِّمُواْ لأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ اللّهِ إِنَّ اللّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ }،

(Salaaddana ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa) wuxuu leeyahay Allaha sarreeya:

{الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ}.

(Ee ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin).

wuxuu leeyahay Allaha sarreeya:

{إِنَّ الَّذِينَ آَمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ لَهُمْ أَجْرُهُمْ عِنْدَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ}

(kuwa rumeeyay xaqa, oo Camal fiican falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyay sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato)

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(بُنِيَ الإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَالحَجِّ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ).

(islaamka waxaa lagu dhisay shan: in la qiro in Ilaah kale jirin oon Alle ahayn iyo inuu yahay Muxammad rasuulkii Alle iyo in la oogo salaadda iyo in la bixiyo sakada iyo xajka iyo soonka Ramadaan)

Sidoo kale shareecada islaamka waxay ka digtay in la fududeysto gudashada sakada wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ هُوَ خَيْرًا لَهُمْ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَهُمْ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا بِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَلِلَّهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ}،

(Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay), wuxuu leyahay Allaha weyn:

{وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنْفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُمْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ * يَوْمَ يُحْمَى عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَى بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ هَذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنْفُسِكُمْ فَذُوقُوا مَا كُنْتُمْ تَكْنِزُونَ}،

(kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran * maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa),

wuxuu leeyahay sayidkeena Cabdullaahi bin Cabbaas (Alle raalli haka noqdee) :

(: ثلاث آيات مقرونات بثلاث، ولا تقبل واحدة بغير قرينتها، {وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُول} فمن أطاع الله ولم يطع الرسول لم يقبل منه، {وَأَقِيمُوا الصَّلاَةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ} فمن صلى ولم يزكِّ لم يُقبَل منه، {أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ} فمن شكر لله ولم يشكر لوالديه لم يقبل منه).

(seddex aayadood seddex ayay ku xiran yihiin, mid lama aqabalo iyadoon la socon midda xuran (adeeca Alle iyo rasuulka) qofkii Alle adeeco oon rasuulka adeecin lagama aqabalayo, (salaadda ooga sakadana bixiya) qofkii tukado salaadda oon sakada bixinin lagama aqbalayo (igu shukri aniga iyo labadaada waalid) qofkii Alle ku shukriyo oon ku shukrinin labadiisa waalid lagama aqbalayo).

Shaki kama taagna in sadaqooyinka ay xoojiyaan kaalinta sakada xagga doorka bulshada, sidaa awgeed sharciga xaniifka ah wuu ku boorriyay wuuna ku dadaalay, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ فِي الْمَالِ لَحَقًّا سِوَى الزَّكَاةِ)

(Maalka waxaa ku sugan xaq aan sakada ahayn) kadib wuxuu akhriyay oraahda Alle:

{لَيْسَ الْبِرَّ أَنْ تُوَلُّوا وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ وَآتَى الْمَالَ عَلَى حُبِّهِ ذَوِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَالسَّائِلِينَ وَفِي الرِّقَابِ…}.

(Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorrax ka soo bax iyo qorrax u dhac, laakin samafale waa ruuxii rummeeya Alle, iyo Qiyaame iyo malaa’igta iyo kitaabka (kutubta Alle), iyo nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, iyo agoonta, iyo masaakiinta, iyo musaafirka, iyo kuwa tuugsada qoor xureyn…)

 wuxuu leeyahay Alle (SW):

{يَمْحَقُ اللَّهُ الرِّبَا وَيُرْبِي الصَّدَقَاتِ}

(wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka), , wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(مَا مِنْ يَوْمٍ يُصْبِحُ الْعِبَادُ فِيهِ إِلَّا مَلَكَانِ يَنْزِلَانِ، فَيَقُولُ أَحَدُهُمَا: اللهُمَّ أَعْطِ مُنْفِقًا خَلَفًا، وَيَقُولُ الْآخَرُ: اللهُمَّ أَعْطِ مُمْسِكًا تَلَفًا).

(Maalin ma jirto oo addoomaha ay waabariisanayaan hadday dhacdo labo malag ayaa soo degta, wuxuu oranayaa midkooda: ilaahayow sii midka waxa bixinaya badal, wuxuu oranayaa midka kale: ilaahayow sii midka wax reebanaya halaag).
Waxaa ka mid ah: inay ka mid tahay sababaha caafiyada wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(دَاوُوا مَرْضَاكُمْ بِالصَّدَقَةِ، وَحَصِّنُوا أَمْوَالَكُمْ بِالزَّكَاةِ، وَأَعِدُّوا لِلْبَلَاءِ الدُّعَاءَ)

(ku daaweeya bukaantiina sadaqo, hantidiinana sakada ku ilaaliya, baladana duco u diyaarsada), wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ الصَّدَقَةَ تُطْفِئُ غَضَبَ الرَّبِّ وَتَدْفَعُ مِيتَةَ السُّوءِ).

(sadaqada waxay damisaa carada rabbiga waxayna reebtaa dhimashada qaabka daran)

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

Exit mobile version