21 jir ayaan ahay dumarka lama hadlo ma ku qaldanahay

Su’aasha:

waxaan ahay wiil 21 jir ah aan waligiisa xiriir sameynin (dumarka) lama hadlo xitaa hal quf kama aqaano
marka aniga waxaan ahay quf waalidkiisa caawiyo oona ushaqeeyo aniga waxaan ku fikiraa oo aan isdhahaa hadii aad gabar xiriir la sameyso guur ayaa la iska rabaa lacagne mahaayo anigane been inaan sheego waan necbahay marka sidaa darteey ayaan iskaga daayey xiriirka gabdhaha maku qaldanahay mise waa sax sanahay taladiina isiiya fadlan.

21 jir ayaan ahay dumarka lama hadlo ma ku qaldanahay
21 jir ayaan ahay dumarka lama hadlo ma ku qaldanahay

Jawaabta:

Waxaad ogaataa in Ilaahay wanaag ku waafajiyay maxaayeelay haddaadan guur diyaar u ahayn maba aha xiriir inaad naag la samayso, illeen xiriirka wuxuu kuu keeni karaa qalad iyo dambi, maadaama aad caawiso waalidkaaga waxaa dhab ah oo yaqiin ah in Alle uu maalin maalmaha ka mid ah khayr badan uu ku siin doono oona aad heli doonto gabar aad u fiican waayo ducada waalidkaaga ayaad ku heli doontaa, nin nasiib badan ayaad tahay, marka Ilaahay ku xirnow waligaaga, ma khasaaraysid waadna liibaani doontaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More