21 jir ayaan ahay dumarka lama hadlo ma ku qaldanahay
Su’aasha:
waxaan ahay wiil 21 jir ah aan waligiisa xiriir sameynin (dumarka) lama hadlo xitaa hal quf kama aqaano
marka aniga waxaan ahay quf waalidkiisa caawiyo oona ushaqeeyo aniga waxaan ku fikiraa oo aan isdhahaa hadii aad gabar xiriir la sameyso guur ayaa la iska rabaa lacagne mahaayo anigane been inaan sheego waan necbahay marka sidaa darteey ayaan iskaga daayey xiriirka gabdhaha maku qaldanahay mise waa sax sanahay taladiina isiiya fadlan.
