Xaaska haddii naaska laga nuugo ma furmeysaa

Xaaska haddii naaska laga nuugo ma furmeysaa

Su’aasha:

Ninka marka uu xaskisa istiiminayo oo uu naaska na nuugo marka caanaha uu liqo miyay ka furmeysaa asoon u qasdin inuu caanaha cabbo lakin raxa ayaa ka awood badinayso wuxuu arkaa asoo caanaha ay ku fakadeen, iga jaahib bixiya su’aashaas.

Xaaska haddii naaska laga nuugo ma furmeysaa
Xaaska haddii naaska laga nuugo ma furmeysaa

Jawaabta:

Arrintan waa laysku khilaafsan yahay, waxaana xoog badan culimada madaahibta afarta oo dhammaan qaba qofka hadduu ka weyn yahay labo sano caanaha naaska ma saameynayaan si kaste hadduu u jaqo naaska, waxaana kusoo arooray nas cad oo ah xadiis saxiix ah, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(لاَ يحرِّمُ منَ الرَّضاعةِ إلاَّ ما فتقَ الأمعاءَ في الثَّديِ وَكانَ قبلَ الفطامِ)

(Nuugmada xaaraan kama dhigto wixii mindhicirada ku fura xagga naaska mooyee oona ah naasgoynta ka hor)

xadiiskan waa saxiix wuxuuna caddeynayaa in nuugmada qofka weyn aysan saameyn lahayn, nuugmada ay ku kooban tahay marka cunugga uu yahay mid labo sano ka yar.

Wuxuu yiri Ibnu Mascuud (RC):

(لا رضاعَ إلَّا ما شدَّ العَظمَ وأنبتَ اللَّحمَ)

(nuugmo ma jirto wixii lafta adkeeya oona hilibka kobciya mooyee).

Dadka kale oo qaba inay xaaska caanaheeda ninka ay saameynayaan oo hadduu nuugo ay ka furmayso  waxay daliilsadeen xadiiska Saalim oo caanka ah asoo weyn in la nuujiyay, laakin xaadiiskaas wuxuu khaas ku ahaa saalim.

Ninkayga Caanaha Naaska Ayuu Iga Cabbaa Ma Iga Furmaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More