Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah

Su’aasha:

Asc wll waxaa Fin iga soo baxay isha bidix geeskeeda midig marka wll maxaa sababa finkaas waa maxayse dawadiisu lakin finkaas wuu ixanuunaa wuuna ilmeeya badanaaba marka sujuuda salaadana wuu ixanuuna wll faahfaahin dheraadana nasii waad mahadsantahay.

Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah
Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah

Jawaabta:

Finka isha waa barar yar oo maqaarka isha kasoo baxo hoos ama kor ama bidix ama midig markuu cusub yahay aad buu u xanuunaa wuxuuna ka dhashaa inta badan  “sebaceous glands” qanjiirada dufanta.
Inta badan wuu iska raysanaa daawo la’aan.
Qofka uu ku dhaco waa inuu ka fogaadaa taataabashada isha, wuxuu kaloo ku dejin karaa xanuunkiisa maro biyo kulul lagu qooyay 4 jeer ayuu maalin kaste saarsarayaa muddo 10 daqiiqo asoona ku dadaalaya marada inay nadiif ahaato.
Waxaa kaloo jira fin kale ka duwan finkan aan soo sheegnay oo loo yaqaano stye ama “hordeolum” midkaas wuxuu kasoo baxaa maqaarka kore ee isha qofka illin badan ayuu ka keenaa midkaas waxaa lagu daaweyn karaa dhegayare oo biyo lagu daahiyay oo biyaha dhexgalay inta biyahas lasoo qaado ayaa isha oo daboolan lagu dhaqaa ama maro lagula saaraa.
Guud ahaan waxaa fiican inaad dhakhtar u tagto si loo ogaado nooca uu yahay nabarka ama finka isha kasoo baxay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More