Fasirka riyada isbitaalka iyo dhakhtarka
Riyada:
Asc walal
Waan idiin salaamay marka hore salaan kadib Xaaskeyga waxay ku riiyootay ayada xanuunsan isbitaal loo qaaday marka Dhaqtarka loo geeyay wuxuu dhahay waxad aqrisata 3 Suuradaha oo quraanka ku taalo kuwas oo kala ah.
1. Suratul Fatixa
2. Suratul Mujadala
3. Suratul Kaaf
Fasiirka Riyada macna nooce ayay leedahay xaaskeyga waxay leedahay uur 7 bilood ah bal sida ugu dhaqsiyaha badan igu soo jawaba fadlan.

Fasirka:
Waxay ku furmeysaa haddii Alle idmo riyadan in xaaskaaga nabad ku dhalli doonto oo wax dhibaato aysan kala kulmaynin uurka iyo dhalmada. fasirka riyada isbitaalka marka loo eego xaaladda uurka xaaska fasirka sidan ayuu noqonayaa, teeda kale quraanka waa daawo iyo badbaado, maadaama uu dhakhtarka sidaa faray waa bishaaro samatabax iyo badbaado caafimaad iyo guul xagga dhalmada.
Interpretation of the hospital and doctor’s dream
It opens with the fact that if Allah wills, this dream will mean that your wife will give birth safely and will not face any problems during pregnancy and childbirth. The interpretation of the dream in the hospital according to the situation of the wife’s pregnancy is as follows, on the other hand, the Quran is medicine and safety, since the doctor ordered it, it is a good news of salvation and safety, health and success in childbirth.
