Zayd bin Xaaritha iyo Umu Ayman imisay kala weynaayeen

Su’aasha:

Walaal mudooyinkan danbe siirada rasuulka ayaan sigaar ah ubartaa una daraaseeyaa sidoo kale aan akhriyaa, waxa jirta arrin aan fahmi waayay oo aan xoogaa ku wareeray arrintaasina waxay tahay,, ummu ayman (barakah binu thaclaba) iyadaa soo xannaanaysay oo soo korisay rasuulka scw. Waxayna ahayd adoontii nabiga aabihii abdulahi. Hadana dhinac marka lafiiriyo waxa guursaday zeyd binu xaarith waxayna udhashay usaama binu seyd zeydbinu xaarithna rasuulka ayaabu gurigiisa kusoo korray markii adoonimo makka lookeenay oo waakii nabigu tabanniyay oo wiil kadhigtay intaanu qur,aanku kusoo dagin ee aan arrintaa la mamnuucin. Hadaba su aashaydu waxa waaye ummu ayman oo rasuulka korintiisa qayb kusoo lahayd siday kunoqotay xaaskii zeyd binu xaarith oo uu rasuulku usoo barbaariyay sidii wiilkiisa oo kale,, ma farqi dhanka da,da ah oo badan ayaa udhexeeyay zeyd iyo ummu ayman

Zayd bin Xaaritha iyo Umu Ayman imisay kala weynaayeen
Zayd bin Xaaritha iyo Umu Ayman imisay kala weynaayeen

Jawaabta:

Waxaan shaki ku jirin Umu Ayman (RC) inay aad uga weynayd Zayd bin Xaaritha (RC) , Umu Ayman Zayd kahor nin ayay soo martay la dhihi jiray Cubeyd bin Alxaarith waxay u dhashay cunigeeda Ayman (RC) oo ku shahiiday dagaalkii Xuneyn, teeda kale Marka nabiga ay barbaarinaysay ma aysan ahayn qof weyn sida maskaxda kusoo dagdagayso, waxaad arkaysaa gabar 7 jir ah oo walaalkeeda barbaarinayso oo cunto siinayso oo u qubaynayso oo hooyadii oo kale ah, ha u malaynin marka nabiga (SCW) ay barbaarinaysay inay ahayd qof aad u weyn.

Waxaa la sheegay inuu Nabiga ka weynaa Zayd 10 sano, marka Zayd guriga nabiga la keenay nabiga waxyi kuma soo dagin marka Zayd Umu Ayman asoo dhalinyar ah ayuu guursaday iyadana 40-ka oo kale ayay jirtay sidaa awgeed hal cunug kaliya ayay u dhashay waana Usaama bin Zayd.

You might also like
1 Comment
  1. Nafaqada lagu daaweeyo qofka ay siigada dishay
    Armaan says

    Sifiican ayaan ufahmay akhii shukran

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More