Zakaatu fidriga goormay ku eg tahay dal kale malagu bixin karaa
Su'aalaha
Su’aasha:
Dad badan ayaa joga wadamada yurub oo an heli karin maskiin ama faqkiir ay siiyan sakada fidriga ama daqarsoonka waxa loo yaqaano, qofka hadduu u diro soomaali ma ansaxysaa, teeda kale qofka ma inuu bixiyo miya salaada ciida kahor mise waa bixin karaa salaada kaddib?
Jawaabta:
Culimada badankooda way oggol yihiin in lagu bixiyo sakaatu fidriga ama daqarsoonka wadan kale aan ahayn wadanka qofka bixinayo uu ku nool yahay, wadan dadkiisa kaga baahi abadan.
Sida la og yahay dalalka qaar dowladda ayaa kafaalaqaadday dadka marka wax u ma baahna qofka meelaas ku nool waa u diri karaa wadamada dhibka ka taagan yahay oo gaajada ay ka jirto, wayna ansaxaysaa waa shardi ah waqtigeeda inuusan dhamaanin, lacagta uu diro in loogu gado badar ama qiima ahaan in loo siiyo sida Abuu Xaniifa uu qabo.
Culimada waxay isku khilaafeen watiga sadaqa fidriga ay ku eg tahay, labo qool ayaa ku jirta kan koowaad: waa waqtiga sadaqada fidriga ugu dambeeya marka ay dhacdo kaddib qorraxda ee maalinta ciidda waxaana qaba qoolkan jamhuurta Maalikiyada iyo Shaaficiyada iyo Xanaabilada.
Qoolka labaad wuxuu qabaa inuu ku eg yahay waqtiga zakaatu fidriga salaadda ciidda haddii laga dibmariyo ma noqonayso sadaqada zakaatu fidri kaasna waa mad’habka Daahiriga iyo Showkaani iyo Ibnu Taymiya iyo Ibnu Alqayim.