Yaa dhisi kara Soomaali Who can build Somalia?
Somalia needs different people
Yaa saxsan?
waa su’aal jawaabteedu adag tahay
waxaana ka jawaabi karo qof aan qabyaalad ku jirin
waana la la’yahay qof soomaali ah oo aan qabyaalad aaminsanyn
amin arts maalmahaan wuxuu shiika ku hayaa guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Mursal
Ilaa iyo hadda ma cadda xaalka soomaaliya qof warkiisa la qaadan karo ayaan jirin
dadkii oo dhan caliga ayaa ka tagay, waxay noqdeen dad aan fahansanayn dhabta dunida
dad sheeganaya inay muslin yihiin oo nabad aan ku noolaan karin wax lagu fasiraayo lama heli karo
soomaalida haddii ay islaamka u qaadan lahaayeen sidey qabyaaladda u qaateen maanta horumar ayay gaari lahaayeen.
tolow yaa saxsan waa su’aal jawaab u baahan.
haddii loo bandhigo dad badan soomaali ah oo isku sheegaya inay wax barteen
jawaabtooda waxay noqonaysaa beesheyda ayaa toosan annagaa ku habboon taliska dalka
dhamaan dadka soomaaliyeed waa dad noqday tusaale xun oo dalalka kale ay usoo qaataan rafaadka iyo burburka
waxaa laysaga digaa in la noqdo soomaali oo kale
maxaa ku dhacay dadkeena?