Xoolaha loo gowraco mowliidka mala cuni karaa

Su’aasha:

Waxaan arkay culimo xaaraanti nimeysay in la cuno hilibka ama xoolaha loo bireeyo moowliidka ma waxaa jirta adilla sheegeysa inaanan la cuni karin xuska mowliidka xoolaha la bireeyo hilibkooda

Xoolaha loo gowraco mowliidka mala cuni karaa
Xoolaha loo gowraco mowliidka mala cuni karaa

Jawaabta:

Xoolaha qof muslin hadduu gowraco waa la cuni karaa, qolada suufiyada ama qof kaste xoolo gowracay mowliidka waa la cuni karaa maxaayeelay qofka gowracay waa muslin munaasabada mowliidka xaaraan kama dhigi karto neef xalaal ah, tusaale ayaan ku siinayaa qof marti ayaa meel fog kaaga yimid waxaad u gowracday neef neefkaas ma xaaraan baa la dhihi karaa illeen qof dartii ayaad u gowracday?! lama dhihi karo waxaa la eegayaa qofka muslinka gowracay iyo qaabka loo gowracay, dadka mowliidka wax gowraco Ilaahay ayay ugu dhowaanayaan ee sanam uma gowracayaan, waxayna u gowracaan jacaylka nabiga (SCW) jacaylka nabigana waa diin Ilaahay loogu dhowaado, marka kuwa aan wax fahansanayn ayaa sidaas u kala geeya dadka muslimiinta, haddii qaabkaas foosha xun loo fikiro xataa xoolaha lagu gado kawaanka xaaraan ayay noqonayaan maxaayeelay qofka wuxuu u gowracay lacag iyo ganacsi!!!

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More