Site icon Daruur درور

Xarfaha ingiriiska aan lagu dhawaaqin

Afka ingiriiska waxaa ku jiro xarfo aan lagu dhawaaqin marka ay ka hor maraan ama ay ka dib maraan xarfo gaar ah, qofka raba inuu barto sida loo qoro afka ingiriiska uguna sahlan waa inuu si fiican u ogaadaa xarfaha iyo siday isu rogaan marka lagu dhawaaqayo ama la akhrinayo, saamayska ay ku saamoobaan xarfaha qaar qaarka kale.

Xarfaha ingiriiska aan lagu dhawaaqin
Xarfaha ingiriiska aan lagu dhawaaqin

Xarafka ( H ) laguma dhawaaqo  markuu ka horreeyo xarafka ( W )

Tusaalaha waa:

what

maxaa

when

goorma

where

halkee

Xarafka ( W ) laguma dhawaaqo  markuu ka dambeeyo xarafka ( R )

Tusaalaha waa:

wrist

curcur

write

qor

wrong

qalad

Xarafka ( L ) laguma dhawaaqo  markuu ka dambeeyo xarafka ( K)

Tusaalaha waa:

chalk

jeesad

talk

hadal

walk

socod

Xarafka ( K ) laguma dhawaaqo  markuu ka dambeeyo xarafka ( N)

Tusaalaha waa:

knee

jilib

knife

mindi

know

ogaansho

Marka barashada afka ingiriiska waxaa ugu fiican inaad ku barto manhajka saxa ah ee afafka loo maro, markaas waxaad awoodi kartaa inaad si kooban oo sahlan ku barato.

Exit mobile version