Xanuunka sinta ilaa ciribta maxaa daawo u ah
Su’aasha:
Xidid Ayaa Iga Haya Lugta Waliba Xagasha Ilaa Cidhibta Markasta Wuu Iqabtaa Waliba Xiliga Qabawga Ayuu iigu Daran Yahay Ama Markaan Xoogaa Fadhiyo Lugtana Dhulka Kuma Joojin karo Markuu iqabto markan Lakin Xoogaa Socda Badanaa Wuu Iga Baxaa Markaa Maxan Kula Tacaali Karaa Anoona Dhakhtarna Tagin Talo Isii Dr Mahadsanid❤

Jawaabta:
Xanuunkaas aad sheegayso waxaa la dhahaa afka carabiga عرق النسا ingiriiskana waxaa loo yaqaanaa Sciatica waa cudur caan ah dad badan ayuu ku dhacaa inta badan waxaa keena fadhiga qaabka daran iyo istaagga foorarka u dhow qofka inuu ku shaqeeyo ama si kedis ah asoo foorarsan wax culus inuu usoo qaado, taasoo keenta caabuqa neerfaha Sciatic waxaa loo daaweyn karaa qaab dabiici ah qofka inuu ka joogsado sababaha keenaya waxaa laga rabaa qofka inuu nasto, muddo gaaraysa 15 maalmood iyo inuu ka fogaado wax culus inuu qaado, sidoo kale inuu adeegsado daawooyinka murqa xanuunka iyo daawooyinka lagu daaweeyo caabuqa neerfaha, waana inuu sameeyaa jimicisi uu ku daliigi karo meelaha xanuunka ka jiro sinta ilaa cagta ama ciribta.

Qofka muddo ayuu u baahan yahay inuu nasto nasashada waa muhim, haddii uu sii socdo waa inuu is baaraa oo uu ogaadaa sababka rasmiga keenay xanuunka, dhabar xanuun sababo badan ayaa keeni kara oo aan ahayn cudurkan aan soo sheegay.
Dhabar xanuunka maxaa keeno maxaasena lagu daaweeyaa
Sababaha keena kulaylka jirka midka caadiga iyo kan cudurka
The pain you are talking about is called in Arabic عرق النسا and in English it is known as Sciatica. It is a common disease that affects many people. It is usually caused by sitting in a bad position and standing with a bent knee, which is close to the person working or suddenly bending over to lift something heavy, which causes sciatic nerve inflammation. It can be treated naturally. To stop the cause, the person is required to rest for a period of 15 days and to avoid lifting anything heavy, as well as to use muscle pain medications and medications to treat nerve inflammation, and he must do exercises that can relieve the pain from the hip to the foot or heel. A person needs to rest for a while. Rest is important. If it continues, he must examine himself and find out the real cause of the pain. Back pain can be caused by many reasons other than the disease I mentioned.
