Site icon Daruur درور

Xanta qofka maqan iyo kan jooga maxaa xan la dhihi karaa

Su’aasha:

Waxaan maqlay xantu inay tahay walaalka Oo aad ku sheegtid wax usan raali ka aheyn marka waxa Jira waxyaalo badan Oo aan Raba inay xanyihiin iyo inkale tuusale
Hadaan qof maskiin ah macnaha aan hadal badneyn marka adiga wad amuusantahay ama miskin Aya tahay ama aan dhaha Kan waxbo mayaaqano wax makala oga wadamin isago Ila joogo ma xan ba

Xanta qofka maqan iyo kan jooga maxaa xan la dhihi karaa
Xanta qofka maqan iyo kan jooga maxaa xan la dhihi karaa

Jawaabta:

Xanta waxaa lagu sheegay quraanka kariimka inay tahay waxyaalaha reebban oo qofka laga rabo inuu ka fogaado Alle wuxuu yiri:

(وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ)

(qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecel yahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada)

Rasuulka (SCW) wuxuu ku qeexay xanta xadiis saxiix ah wuxuu yiri:

(أتدرون ما الغيبة؟ قالوا: الله ورسوله أعلم، قال: ذكرك أخاك بما يكره. قيل أفرأيت إن كان في أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ما تقول، فقد اغتبته، وإن لم يكن فيه فقد بهته)

(Ma og tihiin xanta waxa ay tahay? waxay dhaheen: Alle iyo rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: waa inaad ku sheegto walaalkaaga waxa uu nacayo, waxaa la yiri: ka waran haddii uu yahay walaalkayga waxa aan ku sheegayo? wuxuu yiri: haddii uu yahay waxa aad ku sheegayso waad xamatay, haddii uusan ahaynna waad masabidatay)

Marka guud ahaan qofka muslinka wax kaste xun uu dhibsanayo aad ku sheegayso waa xan, ha joogo ama ha maqanaado kaliya waxaa jira xaalado lagasoo reebo oo ay daruuro keenayso sida qof naag doontay oo kale oo lagu weyddiiyay waa inaad sheegtaa waxa uu yahay ama qof naanees leh sida jiis iley gacmeey  iwm. oo caan ku ah waxyaalahaas oo kale markaas xan laguma tiriyo haddaadan ka wadin durid iyo dhaleeceyn iyo caay.

Ereyga maskiin haddaad ka waddo caay iyo aflagaaddo waa xan, laakin haddii aad qofkaas u turayso oo aad difaacayso ama aad ka waddo in wax loo qabto markaas xan ma aha, waxaad ogaataa niyadda inay kaalin weyn ka qaadanayso falka aad ku dhaqaaayso.

Exit mobile version