Site icon Daruur درور

Xanaaqa badan iyo madax xanuunka maxaa daawo u ah

Su’aasha:

Asc wr wbrk wallo waxan idiin waydiinlaha wax aha marki hore qof dabecad wanagsan oodadka cafisa ooqabaw lkn baryhn danbe waxan isku arkay cadho madax xanuun dulqadka ooiku yaraday wnis khilafna dadka iku dhadhaw wllo maxa ladhihi kara isbadalka adigu mahadsan shukran.

Xanaaqa badan iyo madax xanuunka maxaa daawo u ah
Xanaaqa badan iyo madax xanuunka maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Waxaa laga yaabaa xanaaqa inuu kuu keeno madax xanuunka aad dareentay waxaa kugu haboon inaad iska ilaaliso wixii caro kuu keenaya, iska jir dadka hadal ku dhibayo kugu oranayo sidoo kale hala doodin dadka xunxun oo dhiiga kugu kicinayo, xanaaqa dhib badan ayuu leeyahay sidaa awgeed diinta islaamka waxay na amartay inaynan xanaaqin , sidoo kale markaad xanaaq dareento weysayso weysada qofka way dejisaa maxaayeelay shaydaanka wuxuu sabab u noqonayaa xanaaqa, markaad weysaysato waad degaysaa, waxaana la dhihi karaa weysada waa daawada carada ugu fiican.

Exit mobile version