Xadiiska sheegay galmada foorarka saxiix miyaa

Xadiiska sheegay galmada foorarka saxiix miyaa

Su’aasha:

scw Daruur media waan idin salaamay salan kadib waxan rabaa inaad ii sharxadaan xadiis ka hadlay galmada foorarka oo sheegay in yahuuda ay dhihi jireen qofki xaaskisa foorariyo haday uur qaado ilmo weershe ayay dhalaysaa xadiskaas saxiix miyaa teeda kale galmada dujinta ama foorarinta xaaska ma banaan tahay jawaab ayan dinka sugayaa wadna mahadsan tihin.

Xadiiska sheegay galmada foorarka saxiix miyaa
Xadiiska sheegay galmada foorarka saxiix miyaa

Jawaabta:

Naska xadiiska waa kan:

(كَانَتِ اليَهُودُ تَقُولُ: إذَا جَامعهَا مِن ورَائِهَا جَاءَ الوَلَدُ أحْوَلَ، فَنَزَلَتْ: (نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّى شِئْتُمْ))  رواه البخاري

(Yahuuda waxay dhihi jireen hadduu ninka  naagtiisa gadaal kasoo maro (asoo farjiga galinaya) ilmaha waxay imaanayaan iyagoo weershe ah, waxaa soo degtay (Naagihiin waa beerihiina saad rabtaan ugu taga))

Xadiiskan waxaa wariyay Bukhaari iyo culimo kale waxaa laga wariyay saxaabiga weynaa Jaabir bin Cabdullaahi (RC) waana saxiix, wuxuu ka hadlayaa yahuudda madiina kula noolaa asxaabta ayaa faafiyay fikrad ah ninka hadduu naagtiisa ugu tago qaab foorar ah ama gadaal uu kasoo maro asoo farjiga adeegsanaya hadday uur qaaddo inay dhalayso ilmo weershe ah,  markaas Alle aayad ayuu kusoo dejiyay nabigiisa (SCW) asoo caddeynaya ninka inay u banaan tahay xaaskiisa inuu ugu tago qaabka uu doono.

Marka galmada foorarka way banaan tahay  markay tahay farjiga dabada lama oggola sidey qabaan madaahibta afarta.

 

Maxaa sababa ruuxa dumarka ah inay qaaddo uur mintaano ah

Gabar bikro ah in ilmo lagu beero ma dhib bay keenaysaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More